CAJIIB: Dekadda Muqdisho oo la tartamaysa Dekedaha ugu casrisan Adduunka (Sawirro)

Muqdisho (Xogmaal Online)- Dekedda magaalada Muqdisho ayaa lagu soo kordhiyay is bedelo dhan walba leh oo ka qeyb qaadan doona bilicda iyo in ay la mid noqoto dekaddaha caalamiga ah .

Dib u dhiska lagu soo Sameeyay dekeda ayaa waxaa ka mid ah darbiyo dhaadheer oo laga hirgeliyay dhamaan xeyndaabka dekedda iyo albaab cusub oo loogu tala galay in lagala socdo badeecadaha dekedda ka soo baxa iyo kuwa galaya.

Albaabkan cusub ayaa sahlaya in lagu koontaroolo badeecadaha baabuurta sida, iyadoo lagu xiray qalab casri ah oo Scan lagu ogaanaya inta alaab ee saaran, isla markaana sheegaya hadii hub ama waxyaabo kale ku jiraan.

 

Somali-port-8 Somali-port-4 Somali-port-5 Somali-port-6 Somali-port-7

 

Share this post