AMISOM iyo dad iyo duunyo ku leysey Sh/Hoose

AMISOM iyo dad iyo duunyo ku leysey Sh/Hoose

Xogmaal Media: Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen 2 wiil oo da’doodu ka hooseyso 20 jir iyo illaa 25 neef oo geel ah oo ay toogasho ku dileen.

Arrintani ayaa waxa ay ka dhacday maanta inta u dhaxaysa Maryan Gubaay iyo Mundul Baraawe kadib markii waxyar ka hor xiligaa AMISOM ay la kulmeen weeraro iyo qaranyo.

Markasta oo ay AMISOM la kulmaan weeraro kaga yimaada Alshabaab waxa ay waxyeelo u geystaan dadka shacabka.

 

Share this post