Yaa Mudan Madaxweyne, 8da Feberaayo 2017 ?

Yaa Mudan Madaxweyne, 8da Feberaayo 2017 ?

Xogmaal Media: In Loo Dadaalo Danta Guud Duf ku Bax kii Diidanoow (Abwaan Abshir Bacadle) Naxariistii Janno Allaha Siiyo).

Sida aan wada ogsoonnahay, waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah ee 8 da Federaayo ay Magaalada Muqdisho ka dhici doonto Doorashada dadban ee 2017, ayna u taagan yihiin 22 musharax marka loo eego musharaxiinta tanaasulay intaan doorashu billaaban ,iyagoo musharxiinta horay u ahaayeen 24 Musharax oo aheyd tiro aad u badan,Calaamad cadna u aheyd is dhexyaac iyo kala fogaan siyaasadeed ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Haddaba Maalinta Berri ah haddii Allaha awoodda leh idmo ,ayaa ah maalin aad loo wada sugayo ,laguna kala bixi doono Kursiga dad badan ay ku riyoodaan inay mar uun ku fadhiistaan noloshiishooda oo madaxweyne La yiraahdo, balse riyadooda inta badan ay ka maran tahay in Mar uun Soomaaliya laga saaro Gumeysiga cad ee ay ku jirto, taladana lagu soo celiyo Gacanta Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Labada aqal ee 300 Boqol kor ku dhaafaya lana filayo in ay u Codeeyaan Shakhsiga noqon doona Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota ayaa maraya tijaabadii ugu horreysay uguna danbeysay ee laga yaabo in aysan mar kale soo marin Noloshooda, waana dhacdada ugu muhiimsan nolosha qof kasta oo ka mid ah Mudanayaasha labada aqal ee looga fadhiyo in ay kala Caddeeyaan waxa ay hormarinayaan Hankooda iyo himilada (Rajada) Shacabka  ,iyadoo la ogsoon yahay in Xildhibaanada intooda badan ay kusoo baxeen Mashaqo aad u fara badan ee ay ag dhigeen wax alla wixii ay awoodaan ,gaar ahaan kuwa aan taageerada ka heysan Madaxtooyada villa Soomaaliya, iyadoo qofka daal iyo Mashaqo howl u soo mara si caadi ah ay tahay inuu ku nasto howshiisa uuna ka helo Daalkii uu ka soo maray uuna ka soo Celiyo faa,iido , balse qofkii Damiir iyo iimaan Leh markuu is barbardhigo waxa isaga ka baxay iyo Xaaladda ay ku jiraan Dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaa hubaal ah inuu aadi doono Dhanka Maslaxada Dalka iyo dadka.

Waxaa hubaal ah Maalinta 8da Federaayo waa dhacdo taariikhi ah ayna Matalayaan Mudanayaasha labada Aqal ee aan Magacyadooda iyo Sida ay ku yimaadeen wada Naqaanno, labo Midkoodna ay taariikhda ka geli doonaan ama baal Dahab ah ama Baal mugdi ah ,ayna Xusi doonaan Jiilalka Soo socda ee Soomaalida iyo Caalamka inta adduunka ka dhiman, iyadoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay mustaqbalkooda u tashan doonaan Cagahoodana ku istaagi doonaan ,kuwa Maanta Fursadda heystana Berri aysan heysan doonin.

Xildhibaanada waxaan leeyahay, Guri aad Berri kusoo Hoyan doonto waa inaad Maanta Aasaaskiisa adkeyso ,beri adiguu kugu soo Dumi hadaadan adkeyn,haddaan adkeysana adiguu ku anfici.

Muxuu Noqonayaa isbedelku ?

Inta badan dadweynaha Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan waxay kuu sheegayaan in ay Doonayaan Isbedel Guud ee ka dhaca Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya ,gaar ahaan madaxweynaha in uu isbedel ku yimaado, iyadoo la ogyahay in isbedel buuxa uusan jirin illaa hadda, maadaama uu Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka kusoo noqday Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la ogyahay inuu Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ka badbaadiyay Mooshin aad u Cuslaa ee loo filan karay in Xilka looga qaadi lahaa, waxaana loo arkaa Shakhsi aan diyaar u aheyn horu Socodka Soomaaliya.

Isbedl Dhab ah wuxuu noqon karaa marka La doorto shakhsi aysan Gadaal ka taagneyn Dalal Shisheeye ama Dal Shisheeye ,Siyaasi Madax Banaan ama ganacsade Madax banaan aan lug ku laheyn Xisbi Diimeed ,taas oo dhab ahaan Sabab u noqoneysa Soomaaliya oo ka Madax Banaan Daneysi iyo u adeegid shisheeye.

Xildhibaanada wax laga baryaayo ma jiraan ,Sharaftooda iyo Dadnimadooda in ay Dhowraan iyaga ayey dan ugu jirtaa Maanta iyo mustaqbalkaba, haddeey Codkooda Lacag ku bedeshaan waxay Lacag ku bedesheen Diintooda, Damiirkooda iyo dadnimadooda iyo Dalkooda, wax badana uma dhibi karaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed ‘hanqaraarac lug uma hitiyo” Balse Danta Guud ee ay jirto danta Xildhibaanada marka si Fog loo eego waxay ku jirtaa in ay doortaan Qofka ugu Daacadda Dhow Murashaxiinta.

Yaa Mudan Madaxweyne ?

hadaan aragtiteyda kusoo bandhigo waxay ila tahay anigoon Sida Allah igu ogyahay si gaar ah midna u Taageersaneyn Musharxiinta soo Socda

1-Xaaji Maxamed Yaasiin ,aqoonyahan, nin hantida Qaranka aan looga baqeyn oo hantiile ah,Nin ballan qaaday inuu kitaabka Quraanka ku Xukumi doono Dalka.

2-Cali Xaaji Warsame , Aqoonyahan Da,yar oo Caqligiisu heer fiican joogo, Maamul yaqaan dhowrsan aqoon Diimeed leh.

3-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wadani Qiiro leh, Dookha 1aad ee Shacabka ,Aqoon yahan ,Siyaasi la tijaabiyay.

Inta kale ee Musharaxiinta waxaan u arkaa kuwo magac doon ah ,kuwo Dhaqaalo doon ah, Kuwo Dowlado ay wataan, kuwo horay u soo fashilmay, waana in aan mar labaad fursad loo siin in ay Dalka dib ugu celiyaan dhibaato.

Taariikhdu Ma Naxariisato ,Fursaduna marbey kusoo martaa.

 

W/Q: Bashiir Maxamed (Bashiir Soomaali)

Mr.bashiir088@gmail.com

Aragtida qoraalkaan waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan loomana qaadan karo tan Xogmaal.

Share this post

One thought on “Yaa Mudan Madaxweyne, 8da Feberaayo 2017 ?

  1. DALKAAN ISBEDEL DHAB AH AYUU U BAAHAN YAHAY, LAAKIIN QORAAGA ADIGOO MAHADSAN QORAALKAAGA WAA DHAB KA HADAL WALALKIYOW BALSE SHEEKH SHARIIF AYAAD KA TAGTAY WAA HOGGAAMIYE LA HUBO OO WAX QABAD LEH

    Reply