Yaa guuleysan doona Musharaxa shisheeyuhu wato iyo Murashaxiinta Soomaaliyeed ?

Yaa guuleysan doona Musharaxa shisheeyuhu wato iyo Murashaxiinta Soomaaliyeed ?

Xogmaal Media: Soomaali haddaan nahay Suugaanta ayaan warka isugu sheegnaa ,waxaan Allah na siiyay dad Afmaal ahaa oo Nooga tagay Dhaxal qaaliya oo aan waligiis naga lumeyn nalagana Dhici karin, Gabayga aan ku soo gabagabeeyay Qormadaan Kaliya haddii Soomaali qaadato Shisheeye Dalkaan siima heysan karo.

Doorashada Madaxweynimo ee Soomaaliya 2016/2017 ayaa lagu wadaa in ay Saacadaha nagu soo fool leh ay ka Dhacdo Magaalada Muqdisho ,iyadoo ay ku tartamayaan 22 Musharax oo mid kastaa uu doonayo in uu Madaxweyne ka noqdo Dalka Soomaaliya.

Haddaba Doorashadan ayaa ah tii ugu Xamaasad iyo Hardan badneyd ee soo marta Soomaaliya ,marka loo eego ololaha balaaran ee ay wadaan musharaxiinta Xilka madaxnimo u tartamaya kuwaas oo kala jiidanaya xildhibaanada labada Aqal ee Codeyn Doona, iyadoo Hoteelada Muqdisho Maalmihii u danbeeyay ay ka soconayeen Kulamo dhoola tus siyaasadeed oo Musharax Walba kusoo Bandhigayo taageeradiisa Xildhibaanada uu Codkooda ku tashanayo, waxaana la sheegayaa in ay Socdaan kala iibsi codadka Xildhibaanada oo qiimihii ugu Sarreeyay Gaaray marba marka ka danbeysa ee uu soo dhawaanayo xilliga Doorashadu ay bilaabaneyso .

Musharaxa ugu badan ee lala yaaban yahay tira Badnida xildhibaanada Madaxweynaha Waqtigiisu Dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud oo Lagu arkay taageerayaashiisa Hotel City Place tiro kor u dhaaftay 200 Xildhibaan, musharaxaas oo taageeradiisa Dhanka Shacabka aysan dhaafeyn %5 ,balse arrinta dad badan ay la yaabeen ayaa Noqotay in Musharaxaas uu heysto Taageerada Dowladda itoobiya oo Si cad u Caddeysay in ay taageersan tahay Xasan Sheekh Maxamuud ayna doonayaan inuu dib ugu soo Noqdo Xafiiska Madaxweynaha,iyadoo la ogyahay sida uu u kasbaday Dowladda Itoobiya Maadaama uu noqday qofkii mas,uuliyad ku magacaaban Soomaaliya oo si cad u yiraahda “Gobolada Soomaali Galbeed waa qeyb ka mid ah Itoobiya dadka dhahaya waan Xoreyneynaa waa khaldan yihiin” Hadalkaas oo Soomaalidu ka muujiyeen caro aad u xooggan ,maadaama Xataa Hoggaamiye kooxeedyadii 1990-2009 ay hubka u soo dhiibeysay Itoobiya uusan qof ka mid ah sheegin in Dhulkaas Soomaaliyeed uu itoobiya ka mid yahay.

Su,aasha la is weydiinayo ayaa ah ,Musharaxa Soomali-Itoobiya iyo Musharaxiinta Soomaaliyeed yaa guuleysan kara?, marka la eego sida wax u socdaan wax walba waa la filan karaa ,maadaama ay horay u jireen Gacan Bidxeyn dhanka ergadii Dooratay Xildhibaanada hadda wax dooranaya oo ka yimid inta badan Dhanka Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana Itoobiya ay awoodda ugu weyn ku leedahay Maanta Soomaaliya, waxaa laga cabsi qabaa in mar labaad 4 sano uu Mugdi galo mustaqbalka Soomaaliya ,Balse waa haddii Xildhibaanadu ay daadka dhankuu u socdo u raacaan ayna u hiilin waayaan Dalkooda iyo Dadkooda Soomaaliyeed.

  • Dabin buu idiin Qoolayaa waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad dir u go’aysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
  • Marka xigana daabaqada wuu idin dareensiine
  • Marka xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e
  • Marka xigga dushuu idinka rari sida dameeraaye

           (SAYID MAXAMED CABDULLE XASAN)

Taariikhdu ma Naxariisato, qalinku ma istaago ,Waqtiguna sooma noqdo ,Fursadduna waa hal mar.

W/Q: Bashiir Maxamed (Bashiir Soomaali)

Mr.bashiir088@gmail.com

Aragtida qoraalkaan, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan loomana qaadan karo tan Xogmaal.

 

Share this post