Coldoon oo cunadii ka soomay

Coldoon oo cunadii ka soomay

Xogmaal Media: Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa  sheegaya inaysan wanaagsaneyn xaalada caafimaad ee Wariye C/maalik Muuse Coldoon ee ku xiran Xabsi ku yaalo magaalada Hargeysa .

Qaar ka mid ah Ehalada Wariyaha oo Xabsiga ku booqday Wariyaha ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid liidato, islamarkaana uu ka soomay cunada iyo cabida Biyaha.
Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo Xabsi labo sano ah lagu xukumay ayaa bilaabay inuu cunada diido,islamarkaana marar qaarkood qasab lagu siiyo,sida Ehalada ay sheegeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jirka Wariyaha uu is bedelay,islamarkaana laga dareemayo dhibaatada uu ka dhaxlay Xabsiga.
Somaliland ayaa Wariyaha ku eedeysay Qaran dumisnimo iyo waliba inuu meel kaga dhacay go’aanka gooni isku taaga Somaliland oo caalamka u aqoonsan yahay maamul Goboleed ka tirsan hoostaga Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Share this post