Hab-Raac cusub oo lagu soo rogey qaadashada baasaboorka Soomaaliga

Hab-Raac cusub oo lagu soo rogey qaadashada baasaboorka Soomaaliga

Xogmaal Media: Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray hab-raaca cusub ee qadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Baasaboorka

Wasiirka oo maanta kormeer guud ku sameeyay xarunta bixinta basaboorada Soomaaliya ayaa mid mid u kormeeray xafiiskayada hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Sida Xafiiska Hubinta Muwaadinimada, Xafiiska Qaadashada baasaboorka, Xafiiska Daabacaada, Xafiiska Keydka iyo Xafiiska Shaqada iyo shaqaalaha.

Hab-raacan cusub ee qaadashada Basaboorka ayaa ah mid lagu kontoroolayo dadka qadanaya Baasaboorka in ay yihiin dadka xaqa u lahaa iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo sharafta Basabooka Soomaaliya uu lahaa.

Wasiirka amniga ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, isagoo uga waramay sida ay hay’adda u shaqeyso iyo qorsheyaasha ay hiigsanayaan.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga gudaha ayaa bogaadiyay howlaha ay qabato hay’adda, waxaana uu kula dar daarmay inay sii dar dargeliyaan howlaha loo igmaday.

 

Share this post