Madaxweynaha Xiriirka kubadda Cagta Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Xiriirka kubadda Cagta Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Xogmaal Media: Madaxweynaha cusub ee xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ah booqashadii u horeysay tan iyo markii xilkan loo doortay.

Madaxweynaha CAF Ahmed Ahmed oo u dhashay dalka Madagascar ayaa dhowana si layaab ah leh waxa uga guuleystay Madaxweynihii xilkan mudada hayay Isse Hayatu, kaddib doorasho dhacday.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Khadiija Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha cusub ee CAF ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha ciyaaraha ee ku yaalla Muqdisho, si uu u dhiira geliyo Isboortiga Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu balan-qaad u sameeyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya oo ah mid aad u hooseysa, bur burkii dowladdii dhexe kaddib.

Xiriirka Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa xiriiradii dooratay Madaxweynaha cusub ee CAF Mr Ahmed Ahmed.

 

Share this post