Wariye Catoosh oo meel cidlo ah lagu maagay !

Wariye Catoosh oo meel cidlo ah lagu maagay !

Xogmaal Media: Wariyaha caanka ah ee u shaqeeya BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayaa saacadihii ugu dambeeyey si weyn loogu falanbqeynayay baraha bulshada sababtuna ahayd sawir uu soo dhigey bartiisa Facebook.

Catoosh

Catoosha ayaa soo dhigey sawir isaga ah oo muujinaya isaga oo xiran jaakada xabbada celisa, islamarkaasina taagan KM4 magaalada Xamar, xili uu duubayay muuqaal la xiriira caasimada, una diyaarinayay taleefishin cusub oo laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da soo kordhisey.

Balse dhalinyaro badan oo caasimada ku sugan ayaa sawirkaasi qoonsaday, waxayna Catoosh ku eedeeyeen in uu sawir qaldan ka bixinayo Xamar, una muujinayo meel amni daro ah oo jaakadaha xabbada celiya loo xirto.

Balse saacado kadib wariyeyaal iyo dad aqoonyahano ah oo fahamsan qaabka ay u hawlgasho warbaahinta caalamiga ah ayaa tilmaamay in siyaasadda BBC-da ay tahay in ay ka taxadarto amniga qofka u shaqeeya, islamarkaasina ay shardi tahay in meelaha xasaradaha ka jiraan ama ay suurtogal tahay in ay wax ka dhacaan uu qofkaasi xirto jaakada xabbada, islamarkaasina wato illaalo hubeysan.

Todobaadyadii ugu dambeeyey caasimada waxaa ka dhacayay qaraxyo joogto ah, horeyna waxaa u jirtey in wariyeyaal badan lagu laayay, waxaana arin loo qaateen ah in Catoosh uu naftiisa u baqo.

 

Share this post