Madaxwene Farmaajo oo maanta booqanaya magaalo ka tirsan Soomaaliya

Madaxwene Farmaajo oo maanta booqanaya magaalo ka tirsan Soomaaliya

Xogmaal Media: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaaladaasi xiray ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, kuwaa oo si weyn u xaqiijinaya amaanka magaalada inta uu joogo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo kula kulmo Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi, waxaana socdaalka Madaxweynaha la xariirtaa u kuur galida xaalada amaan iyo mida bini’aadanimo ee ka jirto Koonfur Galbeed.

Socdaalka uu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaalada Baydhabo ayaa noqoneysa tii ugu horeesay uu ku tago magaalo kutaala gudaha Soomaaliya tan iyi markii la doortay, waxa uuna Madaxweynaha dhoor safra horey ugu baxay dalka dibadiisa.

Share this post