Qarax xooggan oo lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waabari

Qarax xooggan oo lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waabari

Xogmaal Media: Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waabari oo ku yaalla Wadada Maka Al Mukarama.

Warar horu dhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, iyadoo qiic iyo uuro cirka isku shareeray.

Dad ka ag dhowaa Saldhiga ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof naftii hure ah uu ku dhiftay afaafka hore ee saldhiga oo ku yaala nawaaxiga Isgosyka Dabka.

Waxaa la soo sheegayaa in qaraxa uu geystay khasaare kala duwan, inkastoo ay xilli hore tahay, xaaladuna tahay mid cakiran ayaa si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxa.

Qaraxa ayaa waxyeelo gaarsiiyay gawaari wadada marayay, iyadoo markii qaraxa uu dhacay ay wadada xirantay.

Qaraxan ayaa ah kii labaad oo labo maalin gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaa uu qaraxan ku soo beegmayaa, iyadoo ciidamada ammaanka ay xireen waddooyinka xaafadaha mara ee loo yaqaano jid cadayaasha.

Share this post