Xldhibaanada Baarlamaanka oo maanta akhrinaya Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xldhibaanada Baarlamaanka oo maanta akhrinaya Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku yeelanaya kulanka Guud ee Golaha Shacabka.

Fariin loo soo diray Wariyeyaasha ayaa lagu sheegay in Ajandaha kulanka uu yahay Akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Biyaha iyo Akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Waxbarashada.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa furmaya 10:00 subaxnimo, waxaana xildhibaanada dhammaantood lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan xarunta Golaha Shacabka, waqtigii lagu balamay, si kulanka uusan dib u dhac ugu imaan.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanada ay isku diyaariyeen kulanka maanta sharciyo kala duwanna Baarlamaanka la horkeeni doono.

Share this post