Dameer qaniinay Baabuur uu Kaaroot u maleeyay oo laga doonayo magdhaw u dhigma 7,050 dollar

Dameer qaniinay Baabuur uu Kaaroot u maleeyay oo laga doonayo magdhaw u dhigma 7,050 dollar

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa maanta go’aan ka gaaraysa in milkiilaha Dameer isku dayay in uu qaniino Gaari ah nooca raaxada uu bixinayo iyo in kale lacagta waxyeelada iyo garaafada uu Damiirkiisa u gaystay Gaarigaasi.

15 bishii September ee sanadii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii Markus Zahn uu gaarigiisa dhigtay goob gaadiidka la dhigto oo daris la ah meel xoolaha lagu xanaaneeyo oo ku taalla Vogelsberg,oo ah degmo ku taalla gobolka Hesse.

Dameer lagu magacaabo Vitus ayaa qaniinay qaybta danbe ee gaariga sida uu sheegay milkiilaha gaarigaasi.


Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in Dameerkaasi uu gaarigani leh midibka Kaarootka uu u maleeyay in uu yahay Kaaroot ama Dabacase islamarkana uu qaniinay.

Balse milkiilaha Dameerka ayaa diiday in uu bixiyo lacag dhan $7,050 doolar oo ah garaafadii iyo waxyeeladii uu Dameerkiisa u gaystay Gaariga.

Milkiilaha Dameerka ayaa ku dooday in Dameerkiisa Vitus uusan dambi lahayn islamarkana Mr Zahn ay ahayd in uusan dhigan Gaariga qiimihiisu yahay 300,000 oo Yuuro meel u dhaw goobtan lagu xanaaneeyo xayawaanka.

Maxkamadda Rayidka ee Giessen ayaa lagu wadaa in ay manta go’aan ka gaarto kiiskan oo soo jiitay indhaha saxaafada gudahha Jarmalka.

 

 

Share this post