Oraah taariikhda gashey: Madaxweyne Gaas: “DP World waa noo il-duufeen”

Oraah taariikhda gashey: Madaxweyne Gaas: “DP World waa noo il-duufeen”

Heshiis kasta oo la gelaayo waxaa waajib ah inuu noqdo mid labada dhinac ee gelayaba faa’iido ugu jirto. Waa inaanu noqon mid dhan ka raran, ee uu noqdaa mid dheellitiran. Weliba danaha iyo xuquuqda cidda dhulkooda la maalgashanayo waa inay ahaadaan kuwo aad loo dhawray oo laga baaraan degey wada tashina laga sameeyey. Danaysiga shakhsiyeed ee ay ku hoos lammaantahay u danaynta shisheeye  in laga dhawro ayaa iyana ah muhiim.

Hadalka Madaxweynuhu waa mid ka arradan Dibloomaasiyad. Mana aha mid uu ku hadli karo qof ah Madaxweyne oo dad iyo dal metela. Heshiisyada la galo ma aha kuwo ilduuf iyo erayo suuqeed lagu cabbiri karo. Mana aha hadal qancin kara bulsho aqoon leh oo soo jeedda. Waa hadal aan dhankasta haddii loo eego gadmi karin.

Waxaa nasiib darro ah in aqoonyahankii sheeganayey inuu ku xeel dheeryahay dhaqaalaha  uu maantay dadkii iyo dalkii uu wax usoo bartay uu ka xishoon waayey isagoo meeshii uu aqoontiisa uga samata bixin lahaa Umada Reer Puntland uu u gacan galiyey halkii il ee dhaqaale dowlad shisheeye, taas oo doonaysa inay gacanta ku dhigto dhammaan dekedaha ku yaal Gacanka Cadan, si aysan carqalad u galin Dekedaha Imaaraadka, kuwaas oo markii loo barbar dhigo dekedaha ay kamid yihiin Cadan, Berbera iyo Bosaso ay yihiin kuwo ku yaal meel ka strategy-san oo ka muhiimsan kuwa soo doolay Dekeddooda.

Waxaa xusid mudan in qiyaastii dhaqaalaha dunida 12% ay maraan gacanka Cadan, sidoo kale maalin walba ay halkaas maraan 4 malyan oo fuusto oo shidaal ah.

Hadaba si ganacsigaas xoogga leh aysan uga faa’ideysan mustaqbalka dhow iyo kan fog Dowladda Imaaraadka ayaa waxay isku dayaysaa inay awood ku qabsato dowladaha kulaala gacanka Cadan sida Ereteriya, Yemen, iyo Soomaaliya.

Sanadkii 2008 ayaa sidaas oo kale Imaaraadku waxay adduun dhan $1 Billion oo dollar kula wareegeen dekedda magaalada Cadan, taas oo dhaqaale bur-bur weyn u soo jiidday Dalka Yemen, Ugu damayna Reer Yaman iska eryeen. Isla sanadkan Imaaraadku waxay dekedaha Berbera kula wareegeen $446 million oo dollar. Halka ay Boosaaso kula wareegeen $336 million oo dollar muddo soddon sano ah. Waxaana intaa dheer in 140 KM oo dhul xeebeedka badda cas ee Puntland uu heshiiskaasi qorayo inaysan Dowladda Puntland wax deked ah ka hirgelin karin.

Berbera ayaa haatan waxaa kasoo leexday doomo xannibaad kala kulmay dekedda Berbera oo ku sugan xeebta magaalada Bosaso.

Dadka Reer Puntland, gaar ahaan ganacsatada iyo aqoonyahanka waa in ay arrintan gaashaanka udaruuraan oo aysan gacan galin dhaqaalaha Puntland ee hadda haysta xornimada buuxda, sidoo kalena aysan dhaafin fursadaha iman kara ee la xiriira halka ay ku taal Dakedda Boosaaso.

Horumarku waa u muhiim bulsho kasta oo meel ku dhaqan. Laakin, waa in aanu noqon horumar dhibtiisu ka badantahay dheeeftiisa. Dawladda Madaxweyne Gaas waxay u egtahay koox aan u bixiyey ” Hanafso ” oo macnaheedu yahay in dalka la eegin dantiisa ee dantooda ay eegtaan. Maadaama ay xafiiska bannayn doonaan goor ay noqotoba.

Labada gole ee Dawladda iyo shirkadda waxaannu uga fadhinaa arrimo

1) Golaha Fulinta Ee Dawladda waxaannu uga fadhinaa inay shacabka usoo bandhigaan nuqulka rasmiga ah ee ay kala saxiixdeen shirkadda DP world iyo Dawladda Puntland.

2) Waxaannu ognahay in baarlamaanka la geeyey nuqul Afsoomaali ku tarjuman oo aan rasmi ahayn Baarlamaankuna iyagoo raacaya nuqulkaas, jeebkana laga la hadlay ay ansixiyeen. Haddaba, Barrlamaanka Punland intooda damiirka leh waxa aannu ka doonaynaa in ay arrintan xil iska saaraan oo dib baarlamaan uga furaan dood lagu badbaadinayo Dekadda

3) Shirkadda DP world waa inay caddayso inay u timid inay dhulkayaga gadato iyo inay noogu timid inay nooga faa’iideyso iyana ka faaiideysato.

Lax walba shillalka ay is dhigto ayaa lagu gawracaa ee shacab weynaha Puntilaan waa inay gartaan dantooda oo dalbadaan heshiisyada rasmiga ah Dawladdu gashay. Waa inay indho quraanjo ku eegaan iyagoo ka dhex baaraya danahooda guud. Waxaa aad u habboon in la falanqeeyo oo la is weydiiyo 420mitir oo oo lagu maalgeliyey 360malyan soconaysana muddo soddon Sano ah waxa dan ah oo ku jira? 360milyan Soddon sano malagu gadan karaa?! Hadallada Madaxweynuhu sheegay ee cashuuraha ma aha kuwo lagu kalsoonaan karo maaddaama ayna ahayn kuwo salka ku haya heshiis la isla ogyahay.

 

Waxaa qoray: Faarax Cali Yusuf

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Xogmaal.co.

Share this post