Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo maanta isugu yimid Kismaayo

Waxaa goor dhow soo gaadhay oo lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo Wafdi ka socda Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Axmed ducaale .

Garoonka diyaaradaha waxa uga hortegay oo soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo qaar ka mid ah shacabka Kismaayo.

Dhinaca kale  waxaa Goor dhowayd isaguna soo gaadhay magaalada Kismaayo Madaxwaynaha maamulka Puntland  C.wali Gaas  oo ka soo duulay Garoonka Boosaaso.

Waxaa magaalada Kismaayo horay ugu sugnaa Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadam, Waxayna dhamaantood soo ajiibeen Codsigii Madaxwaynaha Jubaland oo sheegay inuu Gogosha u dhigay si meesha looga saaro Mad-madowga soo kala dhex galay maamulada iyo Dawladda dhexe taasi oo ku aadan Xiisada Khaliijka.

Axmed Madoobe ayaa Cadeeyay inaan shirka Kismaayo aysan kasoo bixi doonin wax dhibaato ju ah Midnimada iyo Dawladnimadda Soomaaliya.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.