La-taliyaha Ra’isul Wasaare Kheyre oo beeniyay war been ah oo laga faafiyay (Video)

La-taliyaha Ra’isul Wasaare Kheyre oo beeniyay war been ah oo laga faafiyay (Video)

La-taliyaha Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee dhinaca Warfaafinta Cabduqaadir Cashar Nadaara ayaa beeniyay Cod la sheegay in laga duubay oo lagu baahiyay Websetyada qaar iyo Baraha Bulshada kuwada xariirto.

C/Qaadir Cashar Nadaara ayaa sheegay in Codka meelaha qaar lagu baahiyay in uu yahay mid been abuur ah oo la isku keen keenay, waxa uuna tilmaamay in arintaasi ka dambeeyeen Shaqsiyaad dano gaar ah leh .

Waxa uu tilmaamay Nadaara in codkaasi uu yahay mid la isku keen keenay oo dan gaar ah laga leeyahay, isla markaana dadka ay isaga qaldan tahay waxa uu ku saabsan yahay codkaas iyo shaqada uu hayo.

Share this post