Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada Soomaaliya oo is casilay

Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada Soomaaliya oo is casilay

Wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu is casilay wasiirkii Gaashaandhigga dowladda federaalka.

Waxaa lagu warramayaa in Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed uu warqad is casilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada.

Waxaa la sheegayaa in laga aqbalay warqadda uu xilka uga tagay wasiirka. Lama oga sababta uu wasiirkii Gaashaandhigga isu casilay.

Dhanka kale, Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa is casilay.

Ka dib markii taliyaha uu xilka ka tagay, madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa magacaabay Taliye cusub oo ay ka dhigeen Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod).

 

Wixii war ah ee soo Kordha kala soco Xogmaal.co

Share this post