Qaraxii Zoobe oo noqday kii ugu xoogganaa taariikhda ee ka dhaca Muqdisho (Sawirro)

Qaraxii Zoobe oo noqday kii ugu xoogganaa  taariikhda ee ka dhaca Muqdisho (Sawirro)

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii weynaa ee galabta ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo lagu tilmaamay kii ugu xoogganaa  taariikhda oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Gurmad xoog leh ayaa socda, kaa soo looga soo saarayo dadka ku jira dhismayaasha ku bur buray qaraxa, waxaana muuqaalka goobtii uu qaraxa ka dhacay ay noqotay meel uu dhul gariir ka dhacday oo kale.

Hotelka Safaari ayaa gebi ahaanba bur buray, sidoo kale dhismayaal ka ag dhowaa oo u badnaa ganacsi iyo maqaayado ayaa bur buray.

In ka badan 20 baabuur ayaa goobta ku bas beelay, qaarkood waxaa laga waayay dadkii saarnaa, waxaana xaalada ay noqotay mid murugo leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi oo goobta tagay ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah in lala gaaro dadka ku waxyeeloobay, sidoo kale waxaa uu dalbaday cagaf cagafyo, si dadka ku hoos jira dhismayaasha bur buray looga soo saaro.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday ciidamada inay dadka dhibanayaasha waddooyinka u furaan.

Dad fara badan ayaa la’ eheladooda meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana baadigoobka iyo gudmadka socday uu galay habeenimo.

Dadka illaa iyo hadda ku dhintay qaraxa ayaa waxaa ku jira Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada iyo labo nabadoon.

 

 

 

Share this post