AMISON, masuul kama nihin amniga Muqdisho!

AMISON, masuul kama nihin amniga Muqdisho!

Ciidamada Afrikaanka ayaa iska fogeeyay qaraxyada iyo amaan xumidda isa soo taraysa, gaar ahaan kuwooda ka dhaca caasimadda qaranka ee Muqdisho.

AMISON ayaa ku andacoonaysa inuu xil ka saaranyahay oo kaliya amaanka Madaxtooyada, halka magaalada inteeda kale ay masuuliyaddeeda leeyihiin ciidamada qaranka Soomaaliyeed, wixii daayac ah ee ka yimaadana ayaga lagula xisaabtamo.

Sargaal waraysi siiyay warbaahiya Aljazeera ayaa shaaciyay in masuuliyadda amaanka Muqdisho ay xili hore kala qaybsadeen AMISON iyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in AMISON ka ahaan ay masuuliyad ka saarantahay xurunta Madaxtooyada wixii magaalada inteeda kale ka dhacana aysan shaqo ku lahayn.

Hadal kan ka soo yeeray AMISON ayaa ku soo aadaya xili madaxweynihii qaranka uu socdaal ugu baxay inuu dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya kuu uGu soo qancin lahaa in sidii dagaal saf-balaaran ah loogu qaadi lahaa Alshabaab.

 

Share this post