Soomaalida Kenya oo wali wada u gurmashada dadkii masiibadu ku habsatay Mogadishu

Soomaalida Kenya oo wali wada u gurmashada dadkii masiibadu ku habsatay Mogadishu

Laba boqol iyo konton kun oo doolarka Maraykanka ayaa soo xarootay kadib xaflad dhaqaale uruurin oo Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ay u qabteen sidii gargaar loogu uruurin lahaa dadkii ku waxyeeloobay qarixii Muqdisho ka dhacay 14kii Oktoobar.

Xafladan oo uu garwadeen ka ahaa hogaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya, mudane Aadan Bare Ducaale ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socday dhinaca dawladda Kenya, ganacsato Soomaaliyeed iyo gudiga gurmadka oo ka kooban 11 xubnood kuwaasi oo uu gudoomiye u yahay Sh. Maxamed Cabdi Umal.

Wali lama shaacin dhaqaalaha guud ee ay soo xareeyeen walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, waxaase hubaal ah inay si damiir ehelnimo iyo walaalnimo ku dheehan tahay uga damqadeen masiibadii ka dhacday Xamar. Waxaa xusid mudan in magaalada Gaasisa iyo xaafadda Eastliegh looga shubay dhiig dadkii ay soo gaareen dhaawacyadu.

Xildhibaan Aadan Bare ayaa intii ay socotay yabooha dhaqaale uruurinta wuxuu kaligii ku deeqay toban kun oo doolar.

 

Share this post