Sideed u sharraxi kartaa dal cunno haysta isla markana ay macluul ka jirto?

Sideed u sharraxi kartaa dal cunno haysta isla markana ay macluul ka jirto?

Dhawr sano ka hor ayaan u tegay Itoobiya inaan kasoo warramo khatarta macluul dalkaasi looga baqayay, ayadoo uu waddankaasi macluushii ka dhacday 1985 uu si weyn usoo tebiyay weriyaha BBC Michael Buerk.

Macluusha ayaa ka dhalata cunno yaraan, taasoo ay keento roob la’aan.

Sanadkii 2011 waxaan ka warramayay macluushii ka dhacday qeybo ka mid ah Kenya.

Macluushii Itoobiya ee 1985 iyo tii Kenya ee 2011 ayaa waxaa uga sii daray dagaallo dhulkaasi ka jiray.

Itoobiya waxaa sannadkaa ka socday dagaallo ay wadeen ururo gooni u goosad ah, halka Kenya ay dhibaato ku hayeen dagaalyahannada Al-Shabab. Waxaase xaqiiqa ah in labada dalba aanay xilligaa haysan cunno ku filan.

Arrin taa ka duwan ayaa ah waxa hadda ka socda Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa qiyaastay in todobo milyan oo qof ay dalkaasi ugu faqiirsan Carabta ku wajahayaan macluul, inkastoo aanay abaar ka jirin.

Magaalada furinta ah ee Taaciz, taasoo muddo labo sano iyo bar ah ay go’doomin ku hayeen xooggaga Xuutiyiinta ayaa suuqyada waxaa yaal cunno badan oo ay ka mid yihiin khudaarta, liinta iyo mooska.

Dukaannada waaweyn ayaa waxaa sidoo kale ka buuxa hilib goor dhaw la soo qalay ah iyo ukun. Marka waxa isweydiinta mudan ayaa ah waxa keenay in dad ay gaajo ugu dhintaan dalka Yemen.

Qiimaha sare u sii kacaya

Sami Cabdul Hadi oo 55 jir ah oo aan maalin ka hor ku kulanay isbitaal hortii anaga oo warar duubayna ayaa ikala tusay suuqyada magaalada Taiz.

Isaga ayaa magaciisa noo sheegay wuxuuna yiri xaqiijiya in aad warbixintiina ku dartaan dambiga dhabta ah ee dhashay dagaallada Yemen, dadkuna gaajo ba’an ayaa haysa, ayuu yiri, iyadoo uu sidaas sheegayna haddana cunto badan ayaa hareerahanaga taalay, sidaas daraadeed waxaan ku heshiinay in aan kulano maalinta xigta.

“Fiiri khudaartan” ayuu yiri Sami, isaga oo si khaas ah u tilmaamaya Liin macaan quruxbadan.

Dagaalka ka hor waxaa lagu gadi jiray 300 oo riyaalka Yemen ah oo u dhiganta $1.2 haddana waa 600 oo riyaal, cidina ma awoodi karto,” ayuu yiri isaga oo indhaha ka dadbay madaxana raaricinaya.

Sami laftirkiisu ma awoodi karo gadashada cuntadaas hortiisa wadhan, Shirkadaha caymiska ayuu la shaqayn jiray shaqo la’aan ayuuna ahaa tan iyo sannadkii 2009kii, wuxuuna ku tiirsan waxyar oo deeq ah oo uu ka helo hay’adda cuntada adduunka ee WFP.

Shaqo mushahaar wanaagsan laga helo in aad hesho waxay qarka u saaran tahay in aan la heli karin, iyadoo dagaal bartanka lagaga jiro.

Xayiraad saaran

Intii aan la hadlayay Sami koox dad ah ayaa billaabay in ay agagaarkanaga ku soo xoomaan.

Nin da’da 80yada ku jira ayaa sheegay in uusan heli karin dawooyinka uu u baahan yahay ee xannuunka macaanka.

Nin kalana wuxuu ka hadlay in ay shidaal la’aan jirto. Nin kale ayaa isna sheegtay in aan wax mushahaar ah la siinin muddo toddobaadyo ah.

Yemen dadbaa inkaartan ka gaystay. Masiibadanna ma aha mid dabiici ah, laakiin waa masiibo siyaasadeed, waxay wajahaysaa maculuul siyaasad ka soo gaartay.

Dagaalka ka hor xataa 90% cuntada Yemen dibadda ayaa laga soo dajin jiray. Dalka iyo dadka horumarkooduna wuxuu ku xirnaa dekedaha oo si dhamaystiran u shaqaynayay, wadooyinka oo wanaagsanaa iyo diyaaradaha oo hawada u furnayd.

Dagaalkan hadda socdana saddexdaa arrin ayuu indhaha isugu sii qabanayaa. Sacuudi Carabiya oo hogaaminaysa dagaalka ay xulafadu kula jirto Xuutiyiinta Yemen ayaa albaabada isugu laabi karta dekedaha marka ay doonto, taas oo keenaysa culays ah in ay dalkaas cunto gasho iyo in ay gagaar geeyaan maraakiibtu, iyadoo 21 milyan oo ruux ay ku tiirsan yihiin arrintaas.

Arrintaas ayayna Boqortooyada Sacuudigu samaysay afartii Nofembar ka dib markii ay jabhaddu gantaallo ku riday garoonka caalamiga ah ee Riyadh, iyaga oo xadka ka soo toogtay.

Hadda hay’adaha gargaarku waxay ka cabsiqabaan in bakhaarada cuntadu ay madhan doonaan bilo gudahood haddii aan si dhamaystiran loo furin dekedaha ay mucaawinada kala soo dagaan.

Dad samee

Waddooyinka dalka Yemen ayay dhibaato ka jirtaa, qaar ka mid ah wadooyinka waawayn iyo buundooyin ayaana dagaalka ku burburay. Gawaarida gargaarka sida ayaa sii dhexmara marino ay jabhaduhu haystaan waxaana lagu yaqaannaa in ay qabsadaan oo ay u weeciyaan goobaha ay joogaan dadka iyaga taageersan.

Darawallada gawaaariduna waxay ka walwalaan wadooyinka ay jabhaduhu ku suganyihiin, kuwaas oo sii dhexmara deegaanno ay ka arrimiyaan al-Qaacidda.

Siyaasad iyo waxyaabo dad samee ah oo is biirsaday ayaa Yemen u horseeday “macaluusha”.

Sami Cabdul Hadi durba ma fahmi karo waxa dhibaatadan u horseeday, wuxuuna arrintaas kala siman yahay malaayiin kale oo reer Yemen ah.

Wuxuu wax ku bartay Jaacadda Qaahira, wuxuuna shahaadda darajada labaad ee jaamacadda ka ahaystaa culuunta siyaasadda, si wanaagsan ayuuna ugu hadlaa luuqadda Ingiriiska. In uu ku noolaado quutul daruuri uu Qarammada Midoobay ka helo ma ahayn wax uu filayay.

Laakiin sideed qorshe u samaysan kartaa iyadoo uu jiro dagaal dilay ama dhaawacay in kabadan 12,000 oo ruux, oo baro kiciyayna in kabadan saddex milyan oo ruux, burburiyayna dalkii.

 

Isha: BBC

 

Share this post