Qaran Ma Nahay? Qalinkii Maxammuud Cali Geeldoon.

Qaran Ma Nahay? Qalinkii Maxammuud Cali Geeldoon.
Qaran Ma Nahay?
Soomalidaa badan, shacbigan Mawle iga beeray,
maruun bay badhaadhaha adduun saari baallha eh
Maruun bay baraarugi hadday kala boqooleen eh
Riyadiyo maruunbay ka bixi beela beelaha eh
Been sheegi maayee waqtigu ways beddelayaaye
Bushaarayso wuu imanayaa berisamaadkiiye
—-Gabyga Baraarug ee uu tiriyey Nageeye Cali Khaliif

Fiira gaar ah
Ujeeddada qormadani maahaa inaan ka hadlo taariikhda qarannima-doonka Soomaaliyeed (taa waxaa leh taariikhyahannada ku takhasusay iyo dadkii goobjoogga u ahaa oo ay weli qaar noolyihiin). Qormadani waxay iga tahay isku-day aan isku deyayo bal inaan si kooban u fasiro qaraannima-doonka Soomaaliyeed (Somali nationalism ama القوميه الصوماليه) shalay iyo maanta, iyo waxa innagala gudboon inaynu maanta ka yeello.
Afeef
Waa dhab! Soomaalida luqa aan af Soomaali ahayn hadal laguma deeqsiin karo. Aniguna in mudda ah maqaallada muhiimka ii ah waxaan ku qorayey af Soomaali. Waxayse dhibi iga haysataa erayada xambaarsan macna gaar ah, oo aynaan hore ugu nisbayn jirin, heliddooda iyo/ama adeegsigooda. Tusaale ahaan, erayga “qaran” waa eray aynu hore u lahayn macnihiisuna yahay “reer ballaadhan.” Waxaynuna hadda u adeegsannaa “qaran” inuu ka dhigan yahay erayga “nation.” Nasiibdarro, “qaran” ma buuxin karo macnaha “nation,” taasoo keeni karta inaanu ruuxu dulucda uu ka damacsan yahay “nation” ku gudbin karin “qaran.” Marka, waxaan ka sii afeefanayaa erayada qalaad ee aydin ku dhex arki doontaan qormada, waxaanna aad idiinka codsnayaa dulqaad iyo inaydin raalli iga ahaataan.
Hordhac
Maqaalka waxaan ku bilaabayaa laba su’aalood:
1- Xilligii ay Reer Yurub sahansanayeen dhulka Soomaalida oo ay qabaa’ilka la shirayeen, heshiisyana la gelayeen, ma jirey qabiil ama ruux is yiri Soomaali oo dhan u hadal?
2- Siday isu salsallaabaan jabkii Carabta ku yimi 1967-kii iyo jabkii Soomaalida ku yimi 1977-78kii, waase maxay saamayska ay ku kala yeesheen qarannimadii Carabta iyo qarannimadii Soomaalida?
Labadaa su’aalood haynoo laabnaadeen. Waynu u soo noqon. Balse, aynu isku dayno inaynu raadraacno “nation” waxay tahay iyo say ku alkuntay.
Dawladkastoo maanta adduunka ka jirta waxaa lagu tilmaamaa “nation state,” ama “dawlad qaran,” taasoo macnaheedu yahay dawlad leh xuduud qeexan, dad dalkaa deggan oo lagu ogyahay, iyo awood u saamaxda inay dadkeeda iyo dalkeeda u taliso, xakamyna karto. Waa qaab-dawladeed ka duwan kuwii hore u jirey ee ku dhisnaa boqortooyada ama diinta. Waana qaab ay reer Yurub la yimaaddeen oo adduunka ku fidiyeen. Maanta Xajkii Rabbi waajibka kaaga dhigay haddaad gudanayso waa inaad oggolaansha ka haysataa Dawladda Sucuudiga. Wiil xarragoonaya ayaa qalin kuugu diidi kara ama kuugu oggolaan kara. Maxaa taa keenay? Ma tihid muwaaddin Sucuudi ah. Ma aha mid tala laynaka wediiyeey. Waa qaab ay Reer Yurub doorteen oo u hirgalay, adduunka intiiisa kalena sanka kaga toleen. Waana qaab aynaan maanta meella ka mari karayn haddaynu Soomaali nahay. Saa daraaddeed, waxaynaan ka fursanayn inaynu soo qufno, taariikh koobanna ka bixinno, say “nationalism” (qarannimo ama qarannima-doon) Yurub ugu abuurantay si aynu macnaheeda iyo tilmaameheeda wax uga ogaanno.
Horumarkii ay Reer Yurub gadheen ilaa dhowrkii boqol ee qarni ee aynu soo dhaafnay ayaa isbeddel xoogle ku keenay bulshooyinkooda dhaqan ahaan, fikir ahaan, iyo qaab-dhismeedka bulshada. Dadku waxay u hoggaansami jireen hadba Boqortooyadii ay hoos joogeen, ama waxay toos u hoos iman jireen Kaniisadda Katoolika (Catholic Church), luqada ay dadka yaree aqoonta lihi baran jireen oo ka sinnaayeenna waxay ahayd Latin. Madbacaddu markay soo baxaday, ayaa kutub aad u fara badan lagu daabacay afka Laatiinka oo ay dad yari yiqiinneen, muddo ka bacdina waxaa lagu daabacay luqooyin kala duwan oo ay dadka caammada ahi ku hadli jireen. Afafka la daabacay ayaa waxay keeneen inay isku xidhmaan dad isku af ah horese aan isugu xidhnaan jirin. Halkaa waxaa kaaga muuqanaya saddex woxood oo kulmay: 1) madbacadda oo ahayd farsama cusub; 2) malqabeenna aad uga macaashay daabicidda kutub cusub, kuna daabacay afaf kala duwan; 3) dadyow afaf kala duwan ku hadla oo qola kasta goonnideed uu afkeedu isugu xidhay. Waxaa abuurmay beelo inkastoo aanay si dhab ah aqoon isugu lahayn haddana si maanka-arag ah isu og una wada socda (imagined communities)1 .
Qarannimada Reer Yurub qarnigii 19aad ayaa laba loo kala fasiray: mid ku salaysan rabitaan iyo mid ku salyasan dhaqan, iyo/ama af, iyo/ama dhiig. Tan hore waa tan ay France iyo USA iyo Britain ku dhaqmeen, tan kalena waa tan ay Germany iyo Italy iyo quruumaha “Slavs” laysku yiraahdo ee Bariga Europe ay ku yagleelmeen. Tan hore waxaa fasiray aqoonyhannada ay ka midka ahaayeen John Stuart Mill iyo Earnest Renan, tan danbena Johann Herder, Giuseppe Mazzini iyo kuwa kale. Tan hore waxay ku timaaddaa kacdoonno ama isbeddello ay horkacaan dabaqadda ay ugu tunka weynyihiin maalqabeennadu (Bourgeoisie), isbeddelladaasoo ay keenaan horumarka ay bulshooyinkaasi gadheen. Tan danbese waa falcelis lagaga hortegayo faragelin ka timaadda xoogag qalaad, ha ahaato mid maskaxeed ama mid hubaysan. Tan hore waxaa lagu doonaa hay’adaha loo yaqaan “liberal institutions,” (hay’ada dawldeed oo madaxbannaan), tan dambena waxaa lagu raadshaa madaxbannaani iyo dawladnimo2. Labada tafsiroodba waxaan ka madhnayn oo ay iskaga mid yihiin dareenka iyo aragtida siyaasadeed ee dad isku tola kana yeela “nation.”
Waxaa xusid weyn mudan in dareenka ama maan-ka-aragga qarannimo aanu iska abuurmine ay sida dhirta u beeraan oo u waraabiyaan indheergaradka bulshadu. Indheergaradka ayaa u tafa xayta dadaal-maskaxeedka isku xidha dadaan hore isugu xidhnayn iyagoo taariikhda ka naqaysanaya qaybahay ka rabaan ee dadkooda midaynaya, qaybaha xagaldaacinaya halgankoodana iska tuuraya3. Waxaana laba daraadle yagleelidda qarannimada kaalin mug leh ka qaata maansoolayaasha bulshada. Tusaale ahaan, Armenians-ka oo ah dad qarniya badan kala filiqsanaa waxaa isuhiloobiddooda qayb weyn ka qaatay gabay la tiriyey horraantii qarnigii 19aad, gabaygaas oo loo yaqaan Ter Getzo (Lord sustain the Armenian people!) 4. Iyana markii Poland ay Russia iyo Austria iyo Prussia saddexda u kala goosteen, ooy reer Poland quusta gaadheen, dabayaaqadii qarnigii 18aad, dadka Polish-ka ahi waxay wehel bideen, qulubtoodana yididdiila gelisey, heesta “We Shall be Poles Again.”5 Waynu ka dheregsannahay heesta Soomaaliyeey toosoo iyo kaalintay halgankii gobannimaddoonka ku lahayd. Iyana, inteenna soo baratay gabayadii Carbeed, waxaynu xasuusannahay gabaygii caanka ahaa ee إذالشعب يوماأراد الحياه ee uu tiriyey gabayaagi أبوالقاسم الشابي ee Tuuniisiga ahaa. Taariikhda ummadaha maansoolayaahsu meel halbowle ah bay kaga jiraan. Saasoo kale, iyana mufakiriinta kalee ee bulshadu qayb weyn bay ka qaataan wacyigelinta, baraarujinta, iyo jihaynta bulshada.

 

Saamaysaka Qarannima-doonku ku Yeeshay Carabta
وَٱعْتَصِمُواْ بِحَبْلِ ٱللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُواْ ۚ وَٱذْكُرُواْ نِعْمَتَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ
Sida ku xusan aayaddaa Quraanka ah, waxaan aamminsanahay in Muslimiinta oo dhammi ay yihiin ummad keliya, in quruumo ama “nations” loo kala saaraana aanay bannaanayn. Ayaandarraduse waxay tahay iyadoo dalalka adduunka oo dhammi ay u wada faruurxidhan yihiin qaab-dawladeedka ay Reer Europe (ama Reer Galbeedku) la yimaaddeen oo adduunka xuduudo ay iyagu sameeyeen ku kala qoqobay. Waxayna taasi ku keentay Muslimiinta dhaawac aad u weyn. Markuu Napoleon Bonaparte qabsaday Masar, 1798-kii, waxaa Muslimiinta ku habsadey jaahwareer maskaxeed aan weli ka dhammaan. Dooddii ay bilaabeen جمال الدين الأفغاني, محمد عبده, رشيد رضا, عبدالرحمن الكواكبي, oo dhammaantood ahaa hormuudyadii la legdamay fikirka qalaad iskuna deyey inay fikir ka hortaga la yimaaddaan, weli way socotaa iyadoo xaalada badan oo kala duwan la soo kulantay.
Wuxuu xaalku sii qasmay marka, xilligii Dagaalkii Koowaad ee Caalamka, ay Great Britain adeegsatey tab ay Carabta ugu kiciso dawladdii Turkiga, iyadoo Carabta ugu ballan qaadday inay madaxbannaanidooda helayaan. Waxayse taasi ahayd khiyaano aad u weyn. Markii Dawladdii Turkiga laga guuleeystey, Carabtii dhinaca Aasiya (Asia), halkii ay ka filyeen madaxbannaani, waxaa u tashaday France iyo Great Britain, Filisdiinna waxaa loo fasaxay Yuhuudda. Laba dhaqdhqaaq oo baaxadle ayaa soo baxay: mid ku dhisan Islaamka iyo mid ku dhisan qarannimada Carabta (القوميه العربيه ). Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah waxaa hormuud u noqday الإخ وان المسلمون,dhaqdhaqaaqa kalena waxaa hormuud u noqday saraakiil Carbeed oo Ciidammada Turkiga ka tirsanaan jirey iyo Masiixiyiinta Suuriyada Weyn (Suuriya iyo Lubnaan). Fikir ahaan, shakhsiyaadka ugu magaca weynaa fikirka ku dhisan Carabnimadu waa سا طع الحصري iyo ميشيل عفلق. Dawlad ahaanna waxaa siyaasdda Carabnimada ku dhisan mabda’ siyaasadeed ka dhigtay Xukuumaddii Jamaal Cabdannaasir ee Masar iyo Xukuumadihii Bacthiyiinta ahaa ee Suuriya iyo Ciraaq (الأنظمه البعثيه). Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yiraahdaa القوميه العربيه waxaa dhabarjab ku noqday jabkii Carabta ka gaadhey dagaalkii 1967-kii ay Israel la galeen, jabkaasoo gilgiley aamminaaddii ay shucuubta Carabtu dawladohooda ku qabeen6. Waxayna u egatahay in labadii dagaal ee uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq iyo cawaaqibkii ka dhashay ay wixii la oran jirey القوميه العربيه israaciyeen.

Maw malaynaysaa in burburka ku yimi القوميه العربيه uu saamays toos ah ku yeeshay burburrada ku yimi Ciraaq, Suuriya, Yemen, iyo Liibiya? Maxayse taasi ka salsallawdaa siday Soomaaliya wax uga dheceen?

Qarannima-doonka Soomaaliyeed
Aan dib idiinku celiyo su’aashaydii hore ee ahayd: Xilligii ay Reer Yurub sahansanayeen dhulka Soomaalida ooy qabaa’ilka la shirayeen, heshiisyana la gelayeen, ma jirey qabiil ama ruux is yiri Soomaali oo dhan u hadal?
Su’aashaa jawaabteeda waynu wada garanaynaa oo waa MAYA. Waa maxay sababta uu qabiil kastii magiciisa uun ugula falgelayey shisheeyaha iyadoo ay wada ogaayeen inay isku dhiig, dhaqan, af, iyo diinba yihiin qabaa’ilka kaloo Soomaaliyeed, dhulkuna uu ka wada dhexeeyo? Jawaabtu waa qabaa’ilka Soomaaliyeed oo han dawladnimona wada hadhaysa aan lahayn, dareen iyo garaad siyaasadeed oo isku xidhaana aanu ka dhexayn. Ma la oran karaayey dadkaasi waxay ahaayeen “nation?” MAYA, waana bartaa bartay “nation” iyo “qaran” iska khilaafsan yihiin.
Saasoo ay tahay, haddana waxaan ku qasbanahay inaan erayga “qaran” u adeegsado macnihiisa casriga ah ee “nation,” waxaase shardi ah inaynu ku ladhno muhashada ama laabraaca (العا طفه) iyo garaadka (consciousness) uu erayga “nation” xambaarsan yahay.
Marnaba waxaan qarannima-doonka Soomaaliyeed laga dhili karin masiibadii ummadda Soomaaliyeed ku habsatey markii dhulkii Soomaalidu lahayd ay Reer Europe iyo Ethiopia qaybsadeen, dabayaaqadii qarnigii 19aad. Xilligaa, dareenka wixii dhacayey dadka Soomaaliyeed kama wada madhnayn sidaad ka fahmi karayso gabaygan uu tiriyey gabayaagii caanka ahaa Faarax Nuur:
Ingiriis, Amxaar iyo Talyan way akaakimiye… Waa duni la kala qaybsadaan nala ogeysiinne
Waxaad labadaa tuduc ka garan karaysaa inaanu gabayaagu qabiilkiisa keliya ka hadleyn ee ay u muuqatey waxa dhulka Soomaaliyeed lagu samaynayey iyo tacaddigii loo geysanayey.
Iska-caabbinna hubaysan oo badan, say doonaanba haw kala baaxad weynaadeene, ayay Soomaalidu kala hortagtay Isticmaarkii, umase eka inay halgannadaa hore ku aroorsanaayeen raadinta dawlad Soomaali isku xidha, marka laga reebo tii Daraawiishta ee uu horkacayey Sayid Maxammed Cabdalla Xasan. Waxaana lagu garan karaa inuu Sayidku jihaadkaa uu kala hortegey dhammaan quwadihii dhulka Soomaalida qaybsaday, marka laga reebo France, dawladnimo ku raadinayey gabygan:
Haddaan waayey calan lay nashiro taniyo Nayroobi, miyaan waayey nuurkii Alliyo Nebiga jaahiisa?
Saasoo ay tahay, iima muuqato in halgankii Daraawisshtu uu qeexay qarannimada Soomaaliyeed iyo waxay u taagantahay.
Qarannima-doonka Soomaaliyeed wuxuu si fiican u hanaqaaday una qeexmay Dagaalkii Labaad ee Adduunyada ka dib, markay Qarammada Midoobey hor timi masa’ladda sidii laga yeeli lahaa dhulka Soomaalida, ee Jabuuti mahee inta kale uu Ingiriis gacanta ku wada dhigay, SYL-na ay u muuqatay fursad ay Soomaali oo dhammi ku midoobi karto, dawladnimona ku hanan karto. In kastoo aanay SYL hadafkaa ku guuleeysan, haddana waxaa hollintaa ku abuurmay fikirka Soomaaliweyn, kaasoo noqday himilada midaysay, bartilmaameedna u noqotay, qarannimada Soomaaliyeed. Waxayna taasi ku timi markay SYL aragtidaa ku fidisay carrada ummada Soomaaliyeed oo dhan. Saasoo ay tahay, qarannima-doonka Soomaaliyeed kama baxsan nuqsaanta (ama nusqaanta) lagu sheego qarannima-doonka ummadaha loo yaqaan Caalamka Saddexaad oo dhan, taasoo ah in qarannima-doonka Soomaaliyeed uu ahaa shisheeya-iska-dhicin keliya ee aanu ahayn mid ku salaysan baraarug maskaxeed iyo ku-dhaadashada tilmaamaha togan ee qaranka Soomaaliyeed toonna7.
Waxay soo jiitantoba, markay dawladdii Soomaaliyeed dhalatay, Woqooyi iyo Koonfurna ay Soomaaliya ku midoobeen, argatida Soomaaliweyn waxay yeelatay culays iyo quwad siyaasadeed oo aanay dawladdii Soomaaliyeed ee curdinka ahayd iska maahin karin. Dastuurkii 1960-kii waxaa ku qoran inay Soomaalidu dad mida tahay iyo in dhulalka Soomaaliyeed isu-keeniddooda la raadiyo. Ficil ahaan, aragtidaasi waxay dhashay saddex arrimood:
i) in Soomaaliya ay hoy u noqoto Soomaali oo dhan, meeshay doonaanba ha ku dhasheene;
ii) in manhajyadii dugsiyada iyo suugaantii dadweynaha laysku xusuusiyo inay dhulal Soomaaliyeed xaq-darro ku maqan yihiin;
iii) In (xilligii Taliskii Ciidammada) laysu diyaariyo u-hawl-gelidda midaynta dhulalka Soomaaliyeed.
Raadintii Soomaaliweyn waxay dhashay Dagaalkii 1977-78kii, dagaalkaasoo ay natiijadiisi qalbi-jab aad u wayn ummadda Soomaaliyeed ku keentay.
Mar labaad, aan dib idiin celiyee, bal aynu isku dayno su’aashan aan hore innoo soo hordhigay:
Siday isu salsallaabaan jabkii Carabta ku yimi 1967-kii iyo jabkii Soomaalida ku yimi 1977-78kii, waase maxay saamayska ay ku kala yeesheen qarannimadii Carabta iyo qarannimidii Soomaalida?
Professor Bassam Tibi wuxuu kitaabkiisa Arab Nationalism ku leeyahay …It was an external factor, the defeat of 1967, which had given rise to a legitimacy crisis, taasoo uu macnaheedu yahay in jabkii lama filaanka ahaa uu dawladihii Carabta qas iyo aammin-ka-bax weyn ku keenay6.
Waxaan aamminsanahy in qalbijabkaa Carabta ku dhacay 1967-kii midaan ka yarayni uu ku habsadey ummadda Soomaaliyeed 1978-kii markii ay caddaatay in dagaalkii lagu guuldarraystay, himiladii Soomaaliweyna ay faraha ka baxday, wixii naf, maal, iyo qalab loo hurayna ay khasaaroobeen. Qarannimadii Soomaaliyeed ee ku dhisnayd fikradda Soomaliweyn wax, hadday taasi suurtageliweydo, caymis u noqda oo ay dib ugu soo degto hore looma diyaarin. Mar keliyay habaq tiri oo dhulka ku soo dhacday!
Qalbi-jabkii Carabta ku dhacay waa kan ku soo arooray in maanta ay dawlada Carbeed Israel soo dhoweystaan dawlada Carbeed oo kalena colaadiyaan. Waa adduunyo madaxa loo rogey!
Sidoo kale, qalbi-jabkii ummadda Soomaaliyeed ku dhacay wuxuu keenay xaaladahan aan hore loo arag loona malayn kareen:
1) Waxaa la xalaalaystay miciinsiga Ethiopia si taliskii Maxammed Siyaad loogu rido;
2) Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee loo carbiyey xoraynta dalalka maqan wuxuu ku soo jeestey shacabkii Soomaaliyeed qayba ka mida oo uu ka dhigtay cadow;
3) In Taliskii Maxammed Siyaad iyo dawladdii Soomaaliyeed ay israacan oo mar wada burburaan.
4) In maanta kooxaha kala duwan ee Soomaaliyeed ay Ethiopia ama Kenya ka soo dhoweystaan Soomaalida kale.
Dad badan baa burburkii taliskii Maxammed Siyaad iyo dawladdii Soomaaliyeed ee israacay u aaneeya burburkii ciidamaada ku yimi dagaalkii 1977-78kii. Anigu waxaan ku doodayaa in qalbijabka ummada ku yimi uu aad uga cawaaqib darraa burburkii ciidammada ku yimi. Waxaa Soomaali ku dhacay waxa afka qalaad lagu yiraahdo psychological and emotional meltdown. Siday qalbijabkii Carbata kaga dhacay dagaalkii 1967kii iyo burburinta dawladdii Ciraaq ay qarannimadii Carbeed u naafayeen (waxa ka taagan Liibya, Suuriya, Yemen, iyo Ciraaqna sabab ugu noqdeen) ayuu qalbijabkii Soomaali ka raacay dagaalkii 1977-78kii qarannimadii Soomaaliyeed u naafeeyey, burburkii dawladdana sabab ugu noqday. Waxaa siibmey, milmay, caadka raacay, laxaamaddii ummadda Soomaaliyeed isku kabeysey, quluubtoodana isku jiho u wada jeedineysey, waxa lama taabtaanka ah iyo waxa kalena u kala sooceysey, taasoo ahayd qarannimadii Soomaaliyeed.
Sidaan u aamminsanahay xaqa ay reer Filsdiin u leeyihiin dawlad madax bannaan ayaan u aamminsanahay Soomaaliweyn. Markaanse siday wax u dheceen dib u jalleeco, waxaa ii cad inay dawladaha Carbeedna ku qaldanaayeen inay qarannimadii Carbeed ku xidhaan xoraynta Filisdiin, dawladdii Soomaaliyeedna ay ku qaldanayd inay qarannamidii ummadda Soomaaliyeed ku xidho xoraynta dhulalka maqan. Shucuubta waxaa la gudboon inay waxay xaq u leeyihiin laabta iyo maanka ku hayaan oo himilo ka dhigtaan. Dawladahana waxaa la gudboon inay siyaasad iyo dhaqan run iyo caqli ku dhisan yeeshaan oo adeegsadaan.
Hadda iyo dan:
Wuxuu Isticmaar innoo yimi innagoo qabaa’il ah oon qaran ama “nation” ahayn. Waxaynu noqonnay qaran dawlad leh. Waxaynu luminnay qarannimadii oo qabaa’il baynu dib ugu noqonnay. Maanta halkaasay taagan tahay.
Qarannimo maw baahannahay?
Ololahan dib-u-soo-celinta dawladdii Soomaaliyeed loogu jiraa meel buu iska qabsan la’yahay: Waxaa la dhisayaa dawlad qabaa’il; lama dhisayo dawlad qaran. Taariikhduna waxay dhigaysaa in qabaa’ilka dhaqanka reer miyiga lihi ay dawladnimo ka dheertahay. Dhibtu waxay tahay iyadoo uu shisheeyuhu gacan weyn ku leeyahay dawlad-dhiska haatan Soomaaliya ka socda. Shisheeyena qarannima Soomaaliyeed kama shaqaynayo, sidaanu Maraykan uga shaqayn qarannimadii reer Vietnam, reer Afqaanistaan, iyo reer Ciraaq toonna, taasoo keentay inuu ku guul darraysto dawlad taabbagal inuu dalalkaa ka dhiso. Qarannimo sideedaba ummadday isku toshaa, shisheeyana way isaka caabbidaa. Marka, shisheeye dantiisa wataa qarannimo isaga fogeysa kuguma dhiirri gelinayo, si kastooy u tahay waxaadan ka maarmayn. Dawaladnimona kuu tolmi mayso qarannima la’aan.
Maxay Tahay Qarannimada Soomaaliyeed?
Soomaalidu waa ummad ay taariikh badani ka luntay, af Soomaaliga oon qoraal lahaan jirin dartiis. Waxaana taarikhdaa innoo caddaynaya waxay Soomaalidu ka dhaxleen dadkii ay ka soo xaydeen: diinta Islaamka, dhul baaxad leh, qorqorriinsha isu eg, af ay ku wada hadlaan, iyo dhaqan is wada shaabaha. Intaasoo dhammi ma suurta galeen haddii aanay Soomaalidu lahayn taariikh midaysa. Qabiilna degaankiisa ma degganaan kareen haddii aanay qabaa’ilka kale jirin. Gabbaad baa laysu wada ahaa; diin iyo af iyo dhaqan iyo dhiig baa la wada ilaashan jirey, waana laysku wada tiirsnaa. Waxaanayse Soomaalidu wada lahaan jirin tala midaysa iyo dawladnimo ay wada haweystaan, taas ayaana keentay in la kala googoosto xilligii Isticmaarka.
Maanta Soomaalidu waxay ku sugantahay xilli ay wixii ay awoowayaashood iyo ayeeyooyinkood ummad ahaan uga dhaxleen oo dhan shisheeye baylah u yihiin. Wuxuu Rabbi innagu abuuray bugcad ay adagtahay saad dhulkaaga, hantidaa, iyo madaxbannaanidada u ilaashan lahayd. Waxaa hore laynoo duudsiyey xaqii uu Rabbi inna siiyey, sidii ku dhacady Kashmiir iyo Filisdiin. Haddaanay ummadda Soomaaliyeed digtoonaan taariikhdu dib ayay ugu soo rogaalcelin doontaa iyadoo sidii hore ka xanaf iyo arammi kulul.
Anoo dareenkaa iyo aragtidaa ka duulaya, waayaha aynu soo marrayna ka cibrad qaadanaya, waxaan ku baaqayaa soo-noolaynta qarannimadii Soomaaliyeed iyadoo lagu salaynayo tiirarkan hoos ku xusan:
1- Ummadda Soomaaliyeed waa ummad isku taariikh ah iskuna aaya ah.
2- Soomaaliya waxay hoy u tahay Soomaali oo dhan.
3- Qaranka Soomaaliyeed wuxuu ka koobanyahay inta isutaqaan inay Soomaali tahay iyo inta la dhaqantay (cultural nation).
4- Ilaalinta iyo badbaadinta dhaxalka wadareed ee ummadda Soomaaliyeed (diin, af, dhaqan, khayraatka dhulka iyo badda, iwlm.) waa waajib saaran ruux kastoo Soomaaliyeed.
5- Dhisidda dawlad xormaysa Soomaalinnimada, una adeegta dadkeeda, aanna kadeed, cagajugleyn, iyo ihaanad toonna u geysan.
6- Wacyi-gelinta shacabka si uu muwaaddin kasti u aqoonsado waajibaatka saaran iyo xuquuqda uu leeyahay.
7- In dugsdiyada waxbarasho lagu dhigo taariikhda ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo dhibtii ay Gumeystayaashu u geysteen.
8- Himilada ummadda Soomaaliyeed waa: Soomaali mid ah, dal mid ah, dawlad mid ah.
9- Dawladda waxaa saaraan badbaadinta Soomaaliya iyo inay ka ilaaliso wixii burburin kara.
10- Ilaalinta iyo xormaynta sarraynta iyo u-hoggaansamidda qaranka Soomaaliyeed.
11- Xakamaynta qabyaaladda.
12- Ilaalinta iyo xormaynta astaamaha qaranka iyo dhammaan halyeeyadii u soo halgamey madaxbannaanida Soomaaliyeed iyadoo aan loo kala eegayn qabiil iyo gobol toonna.
Fiira gaar ah
Kuma talinayo inay Dawladda Soomaaliyeed u hawlgasho ama “state policy” ka dhigato ama ku baaqdo raadinta dhulalka maqan. Dawladda Soomaaliyeed waajibkeeda kowaad waa badbaadinta iyo horumarinta Soomaaliya, inta hadda laysku yiraaho adduunkuna Soomaaliya u aqoonsanyahay, si ay hoy ugu ahaato ummadda Soomaaliyeed oo dhan. Qaanuunka Duwaliga ahi wuxuu inna farayaa inaynaan xuduudaha caalamiga ah ku xadgudbin. Hase yeeshee Qaanuunka Duwaliga ahi ma xukumo mana xakamayn karo waxa quluubta ummadda Soomaaliyeed ku jira, himila qaranna u ah, iyo waxa dugsiya lagu dhigo toonna.
Markasta xasuusnow: Dawlad Soomaaliyeed waxaa lagu soo celin karaa qarannimada Soomaaliyeed oo la soo nooleeyo.
Guul iyo Gobannimo!
Maxammuud Cali Geeldoon
USA
mgaildon@aol.com
https://www.facebook.com/Mohamoud.Gaildon
Raadraac:
1. Benedict Anderson, Imagined Communities, Verso, p. 44.
2. Bassam Tibi, Arab Nationalism Between Islam and the Nation-State, McMillan Press LTD, p. 131.
3. Michael D. Kennedy and Ronald Grigor Suny, “Introduction” in Intellectuals and the Articulation of the Nation, The University of Michigan Press, p. 2.
4. Kachig Tololyan, “Textual Nation: Poetry and Nationalism in Arminean Political Culture” in Intellectuals and the Articulation of the Nation, The University of Michigan Press, p. 80.
5. Andrzej Walicki, “Intellectual Elites and the Vicissitudes of ‘Imagined Nationn’ in Poland” in Intellectuals and the Articulation of the Nation, The University of Michigan Press, p. 270.
6. Bassam Tibi, Arab Nationalism Between Islam and the Nation-State, McMillan Press LTD, p. 214.
7. Saadia Touval, Somali Nationalism, Harvard University Press, p. 61.

Share this post