Ugaasadii ayaanka darnayd “Qoraa Mohamed A. Elmi”

Ugaasadii ayaanka darnayd “Qoraa Mohamed A. Elmi”

Qorraxda ayaa waxa ay isku taagtay bartammaha cirka wax yar ka bacdina mar qura ayaa waxaa is qabsaday dhawaaqa aadaanka, kaas oo si talantaaliya ay isugu tabinayeen minnaarado aad u dhaadheer oo ka dul mudnaa inta badan masaajidda magaalada Hargaysa. Inkasta oo ay farriintu ahayd soo gaara salaadda iyo khayrka haddana Allaale waxa uu ku mashquulsanaa sidii uu u kala dooran lahaa dhawr mijimood oo qaada oo ku duubnaa jawaan qoyan oo ay hawaaney da’dhexaadihi la fadhiday balbalo yar oo cooshad ka samaysnayd. Waxoogaa murana oo salka kuhayey bixinta dayn qaad oo ka dib dhacday xiligeedii, kabbacdi, Allaale wuxuu u dhaqaaqay xaggaa iyo aqlkiisii isaga oo kolkolada kusita mijin uu is leeyahay waa tii ugu mudnayd.

Allaale waa konton iyo siddeed jir ku nool magaalada Hargaysa, lehna xaas iyo shan carruura; marka laga tago inuu aabbe yahay mooyee, haddana majiraan wax kale oo intaas u dheer. Siddeed iyo tobankii sano oo ay is qabeen Allaale iyo afadiisa Axado, Allaale waxa uu ahaa mid aan ka dhex muuqan hawl maalmeedka reerkiisa, musuuliyaddaas culusna waxaa maaraynayey Axado iyo gabadheeda curad Ugaaso.

Ugaaso waa innan yar oo garaad ahaan kawayn da’deeda, inkastooy shan iyo toban jir tahay haddana waxay si wayn uga adagtahay hawsha reerka, waana qofta keliya ee si qumaatiya u maamusha arrimaha qoyska inta ay hooyadeed ku mashquulsan tahay quutul-yoomka reerka.

Guud ahaan, reer Allaale waa sabool aan wax wayn haysan laakiin Axado iyo innanteedu waxay wacad ku mareen inay nolasha difaacaan intii karaankooda ah. Allaale waa ka maqanyahay talada reerkiisa, tabar uu ku biiriyana haba sheegin. Marka keliya ee la arkaayi waa galab galab sidaanoo kale uu waayo meel kale oo uu saldhigo, waana xilliga qura ee uu Allaale xasuusan jiray reerkiisa. Inta badan horay ayuu kasoo qaylin jirey, inta aanu soo gaarin illinka hore ee aqalka. “Ugaasoy Ugaaso, aabbe waan wataaye ii gogol”, halkudhaggaas ayaa ahaa mid lagu yaqiinay hargalkiisa. Ugaasana intay haye aabbo tidhaahdo ayay si habsamileh ugu hagaajin jirtay dhammaan wixii agaba ah ee uusan uga maarmayn ruugista qaadka. Sikastaba, galabta waa ay ka gadisantahay sidii hore.

Allaale waxa uu si isdaba jooga ugu cel-celinayaa, “ugaasoy aabbe ii gogol waan wataaye, Ugaasooy, Ugaasooy, aabbe Ugaasoy”. Ugaaso galabta jawaabi mayso soona bixi mayso. Aamusnaanta Ugaaso wax dareena Allaale ma gelin, maxaa yeelay wuu ogaa inay ajiibi doonto. Axado oo aan hurdin soona jeedin ayaa waxa ay ku baraarugtay ugaasooyda Allaale. Kolkay hubsatay, codkaasi inuu yahay kii saygeeda, ayay inta aqalka dibadda uga soo baxday waxay tirisay tixdaan. Tixdaan xog-warrankaa oo haddana murugada iyo muraara dillaacaa. Maxaa yeelay Ugaasada uu Allaale u dhawaaqayaayi maqli mayso codkiisa, hadday maqashana uma jawaabi doonto waxayna ku maqan tahay meel dheer. Ugaaso galabta god aakiriyo ayay ku jirtaa waxay go’day lana gunaanaday iyadoo la waayey wax lagu duugo iyo wax iilka dhigaba, kafantiina loo amaahday.

Axado iyada oo ilmaynaysa lana yaabban ogaal xumada Allaale ayay tiri:
“Ugaasadu meeday heedhee, dorraato miyaan la aasin
Miyaan kafan loo aamahan, miyaan axan loo yaboohin
Markii araggaa la waayey, miyaan jinku qaylo joogsan
Miyaan insigii gadoodin, miyaan ollogeenu yaabin?
Ishaaro San kaama hayno, shiidaad naga oollin maysid
Ogaal Nagu caymin maysid, itaal Nagu xoojin maysid
Qudhaanjo afuufimaysid, dalool naga awdi maysid
Xashiish nala ururin maysid, aqool nala seesi maysid
Aqoon Nagu biirin maysid, xilkaagana oofin maysid
Afkaagana dhawri maysid, abwaannimo sheegan maysid
Aroor qudha toosi maysid, dhiggaagiyo aynigaaga
Aduunka la qaybsan maysid, iskaaba xasuusan maysid
Intaydu ku deeqi mayso, intaada ku biirin maysid
Hantida arladoo dhan taalla, Hadaad irbad nooga keento
Ducaa ku asqayn lahayde, inkaar naga waayi maysid
Ufiyo bacad baan fadhiistay, anfaaciga aad cunayso
Ilaaqda raggaan ku keenay, waxaan u adkaystay maagis
Amaah iyo qaylo joogtaa, uurkayga waxaan ku haysto
Afkayga ka sheegi maayo, asluubtana qoomi mayo
Awaasha iyo waayahayga ka daalaco oogadayda.
Hadaad na ilaalin waydo, axsaanta ku laaban waydo
Abaal Nagu yeelan maysid, ammaan naga dhawri maysid
Anigu kugu faani maayo, dharaar kugu aarsan mayo
Adiga kuu uunsan maayo, agtaydana jiifi maysid
Haddaan beri kuu il-duufay, haddeer ku abaysan mayo
Markay ajashaadu gaadho, cidina kuu ooyi mayso
Ilaahay ka dhuuman maysid, jannada ku aroori maysid
Cadaabta ka oolli maysid, godkaaguna waa aboor”.

Dhacdooyin badan oo dhacdadaan la mid ah ayaa ka dhaca gayiga soomaaliyeed guud ahaan. Sikasataba, waxaa caddaatay in dumarka soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ay uguntadeen badbaadinta qaysaska Soomaaliyeed ayna la soo baxeen karti iyo geesinimo dheeriya, kadib markii uu burburay dalkii, dhaqankii iyo hannaankii noloshana ay isku dhex yaacday, kala dambayntii iyo mas’uuliyaddiina ay ku dayacmatay gacanta raga soomaliyeed oo in badan oo ka mid ah ayba garan waayeen meel ay u dhaqaan iyo wax ay qabtaan. Axado iyo Ugaaso midna ma ayaan darna, balse waxaa ayaan darro ba;ani ay ku habsatay Allaale oo ku sifoobay qayru masuul, inkasta, oo dad kale oo badani ay ku doodi karaan in ayaan darradaani ku ku habsatay Soomaali idilkeyd. Alle ayaana mahad leh goor walba iyo xaalad kastaba.

Fiira gaara: magacyada iyo sheekaduba waa maan-abuur, maansadase waxaa leh abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi. Qalalinkuna waa: Mahamed A. Elmi

Share this post