Ciidamada Jubbaland oo hawlgal ka sameeyay Afmadow

Ciidamada Jubbaland oo hawlgal ka sameeyay Afmadow

Ciidamada daraawiishta ee maamul gobolleedka Jubbaland ayaa deegaano hoos yimaada degmada Afmadow ka fuliyay hawlgal ay ku baadi goobayaan canaasir ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaysa deegaamadaas.

 

Daraaawiishta Jubbaland, taliskooda degmada Afmadow ayaa hawlgalkan kaga jawaab celinayay kooxda Alshabaab oo habeen hore gantaalo ku soo tuuray mid kamid ah saldhigyada ay ciidamada huwantu ku leeyihiin degmadaasi Afmadow.

 

Afmadow ayaa how u ah kumannaan isugu jira ciidamada AMISON, ciidamada SNA iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland, waxayna intii mudo ah isu diyaarinayeen inay guluf ku qaadaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ahna caasimadda rasmiga ah ee maamul gobolleedka Jubbaland.

 

Share this post