Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

n tayadii Horyaalka La Liga Ay Luntay, In Messi & Ronaldo Uu Kula Tartami Kari Lahaa Abaal Marinta Ballon D’Or

Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Vitor Borba Ferreira Rivaldo oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay wargayska AS ee Madrid ka soo baxa ayaa sheegay in horyaalka La Liga uu lumiyay tayadii uu Yurub ku lahaa isaga oo sidoo kale ka hadlay arimo badan oo kubbada cagta iyo horyaalka Spain la xidhiidha.

Rivaldo ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii waqtiga fiican ku soo qaatay horyaalka Spain wuxuuna abaal marinta Ballon d’Or ku soo guulaystay sanadkii 1999 kii . Lakaiin Rivaldo ayaa sheegay in marka laga reebo kooxaha Real Madrid ioy Barcelona in tayadii kooxaha kale ee La Liga ay luntay.

Halyaygii ree Brazil ee Rivaldo ayaa tusaale u soo qaatay in waqtigisii ay kooxda Real Betis 60 milyan oo Euros ay ka soo bixisay saxiixa Denilson balse maanta ay taas samayn karaan oo kaliya kooxaha Barcelona iyo Real Madrid taas oo uu u arko in ay lumisay tayadii isku dheeli tirnaanta La liga.

Rivaldo oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Marka aad haysato ciyaartoy dhalinaya goolal ka badan tirada kulamada uu horyaalku yahay, taasi wax caadiya ma aha. Betis ayaa 60 milyan oo euros ka soo bixisay Denilson, anigu ma ogi in kooxi ay awood u leedahay in ay taas hadda samayso marka lag reebo Real Madrid, Barca ama Atletico. Anigu waxaan filayaa in markii hore heerka dhex dhexaadka ah ee inta ugu badan kooxuhu uu maanta ka sareeyay”.

Intaa kadib Rivaldo ayaa ku dooday in mar kaliya uu ku guulaystay abaal marinta Ballon D’Or maadaama oo uu waqtigiisii La Liga adkaa balse waxa uu aaminsan yahay in haddii uu maanta ciyaari lahaa uu wax ka badan ku guulaysan kari lahaa.

Rivaldo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:”Anigu mar kaliya ayaan ku guulaystay Ballon d’Or, laakiin waxaan filayaa in aan wax mar ka badan ku guulaysan lahaa haddii aan maanta wali sii ciyaarayo. Anigu ma doonayo in aan wax dhibaato ah abuuro laakiin maanta waxaan Ballon d’Or kula tartami kari lahaa Messi iyo Ronaldo”.

Rivaldo oo Messi iyo Ronaldo ka sii hadlaya ayaa yidhi:”Waa xidigaha ciyaaraha ugu fiican isla markaana waxay sameeyaan farqiga laakiin marka ay kulankiiba saddex ama afar gool dhalinayaan waxay la micno tahay in tayadii kooxaha aad la ciyaaraysaa ay hoosayso, La Liga waxa uu lumiyay tayadiisii”.

Qaybo kale oo waraysiga ka mid ah oo ay ka mid yihiin aragtida Rivaldo ee bixitaankii Neymar Jr waxaad kula socon doontaan wararkeena soo socda insha Allah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.