Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Zidane ma rabo saxiixa Neymar….Aqri sababta ka danbeysa

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa lagu soo warramayaa in uusan dooneyn saxiixa Neymar isaga oo ka cabsi qaba in uu carqalad ka abuuro Bernabeu.

Neymar xagaagan uun ayuu Barcelona ka aaday Paris Saint-Germain Brazilain-ka waxa uu dhaliyey 17 gool muddo ku siman 19 kulan oo uu matalay kooxda ka dhisan Perc de Princes.

Durba 25 jirka waxaa lala xiriirinayaa ku laabashada Spain iyada oo la qabo in Real Madrid ay dalab ka diyaarineyso xagaaga dambe.

Sida uu qabo Diario Gol, Zidane aad ayuu uga helaa Neymar balse waxa uu aaminsan yahay in imaanshihiisa ay xasillooni darro ku ridi doonto rag ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale.

Neymar oo lagu bur burin karo xeyn-daabka qandaraaska uu kula jiro Paris Saint – Germain £198m ayaa sidoo kale bartilmaameed u ahaa Manchester United.

Leave A Reply

Your email address will not be published.