Jiir Ama Dooli Faro Ba’an Ku Haya Emirates Stadium & Arsenal Oo Lagu Amray Inay Nadiifiyaan Garoonka

Iyadoo dhibaatooyin ay ku heysteen garoonka dhexdiisa, hadana sidoo kale waxaa jira dhibaato kale oo Arsenal ka heysata garoonka banaankiisa ka dib markii la sheegay in garoonka Emirates Stadium uu dhibaato ku qabo dooli ama jiir.

Baaris caafimaad oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dooli ama jiir uu ku nool yahay dhamaan afarta dabaq ee garoonka, waxaana at taasi tilmaam u noqotay in jiirka uu saameeyay dhamaan garoonka iyo hareerihiisa oo dhan.

“Saraakiisha wax baareysay waxa ay saxarada jiirka ku arkeen dhowr meelood” ayaa lagu yiri warbixin ay qortay Daily Mail.

“Waxaa lagu arkay tubooyin hoostooda, kuraasta gadaashooda iyo weliba goobaha weelasha lagu dhaqo”

Warbixin arintaan ku saabsan ayaa loo diray Premier League iyadoo lagu wargeliyay in xaalad nadaafad darro inay ka jirto garoonka Emirates Stadium.

Laakiin Arsenal ayaa ku adkeysaneysa in dhibaatada ay timid ka dib markii uu yaraaday wadahadalkii u dhaxeeyay Gunners iyo shirkadii lagu aaminay inay maamusho garoonka.

Arsenal ayaa haatan lagu amray inay garoonka ka nadiifiyaan saxarada jiirka iyo jiirka laftiisa, islamarkaana cunada loo kariyo dadka fariista kuraasta ugu qaalisan si dhow loola socdo.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response