Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Roma oo dajisay qorshihii ay ku soo xerogalin lahayd daafac u ciyaara Man United

Roma ayaa durba suuqa u gashay badalka Emerson Palmieri kaas oo ku sii jeeda kooxda ay xafiiltamaan ee Juventus.

Calcio Mercato ayaa daaha ka qaaday in Roma ay ku qasbanaan doonto inay iska iibiso Emerson Palmieri haddii ay hesho dalab macquul ah.

Juventus ayaa qorshaysay in Emerson Palmieri ay ku buuxiso booska uu banaynayo Alex Sandro kaas oo la filayo inuu u dhaqaaqo horyaalka ingiriiska.

Roma ayaa u dhaqaaqaysa daafaca Manchester United ee Matteo Darmian si ay ugu buuxiso booska Emerson Palmieri oo ku sii jeeda Juventus.

Kooxda reer talyaani ayaa doonaysa in Darmian ay ku qaadato amaah, iyaga oo kadib amaahda u badalaya heshiis rasmi ah haddii uu la qabsado kooxda.

Roma ayaa loolan ku aadan Matteo Darmian kala kulmaysa Napoli oo dhankeeda doonaysa 28 jirka reer talyaani.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.