DanTDM oo YouTube ka sameeyay 12.3 milyan oo gini sannadkii 2017kii

DanTDM ayaa loo magacaabay ninka dhaqaalaha ugu badan ka sameeyay YouTube sannadkii 2017kii, isaga oo helay 12.3 milyan oo gini, sida ay ku warrantay jariidadda Forbes.

Ninkan reer Britain ee 26 jirka ah oo ka soo jeeda deegaanka Aldershot ayaa billaabay in uu muuqaallo iska duubo isaga oo dheelaya ciyaaraha Minecraft iyo Pokemon.

Waxaana muuqaalladiisa rukumatay 16 milyan oo ruux, dhammaan muuqaallada uu galiyay oo dhan marka la isku darana 10 milyan oo jeer ayaa la daawaday.

Ninkan YouTybe-ka ku shaqaysta oo magaciisa saxda ah uu yahay Dan Middleton ayaan sannadkii hore ka mid noqon tobanka ruux ee ugu sarreeya diiwanka dadka YouTube-ka adeegsada.

DanTDM ayaa kulan toos loo daawanayo ku qabtay Sydney Opera House wuxuuna noqday midikii labaad ee loogu iibsiga badnaa taariikhda goobtaas.

Wuxuu billaabay in uu soo bandhigo muuqaalo loogu talogalay carruurta ay da’doodu ka hoosayso tobanka sano, markaas oo uu ka shaqaynayay Tesco.

Dan

Bishii Nofeembar ayuu Dan u sheegay barnaamijka Newsbeat ee BBC, in uusan u sii diyaargaroobin caannimada uu YouTube ka helay.

Wuxuu sheegay in ay arrin wayn tahay in aad muunad u noqoto da’yarta, ayna arrintani tahay mid uu wali baranayo.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response