Dowladda Mareykanka oo dib u dhigtay dib u celinta 92 qof oo Soomaali ah

Darrin Gayles, oo ah Garsooraha Maxkamadda Gobolka Miami dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay Dacwadda dad Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 92 qof oo dhawaan  laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka, Laakiin diyaaradii siday ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay suurtagal tahay in ay ku biiraan Al-Shabaab hadii lagu  celiyo Gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in si qasab ah la doonaayay in dib loogu soo celiyo dadkaasi Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in diyaarad siday ku dhawaad 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka in diyaaradii siday ay cilad ku timid.

Dadkaan ayaa heysan sharciga lagu jooggo dalka Mareykanka, waxaana  laga soo qabtay qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka.

Diyaaradda siday dadkaan ayaa ka degtay Magaalada Deka ee Caasimadda dalka Senegal, waxaana intaasi ka dib ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka.

Maxkamaddaha Mareykanka ayaa ku tilmaamay falka dadkaasi lagu soo masaafurin rabay mid Sharciga hareermarsan.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

2 Comments on this article. Feel free to join this conversation.

  1. Nuurkanederland January 27, 2018 at 6:00 pm - Reply

    DONALD TRUMP HE IS EMPTY=FAARUQ

  2. Nuurkanederland January 27, 2018 at 6:01 pm - Reply

    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERCICE

Leave A Response