“Faysal Cali Waraabe” Dowladda Soomaaliya waxay wadaa maja xaabin ka dhan ah Somaliland

Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa markii ugu hoeesay ka hadlay dagaalka  shalay ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Sool.

Faysal waxaa uu Ku amaanay in ciidamada Somaliland ay qaadeen talaabo loo baahnaa in mar hore la qaado Maadaama uu sheegay in degaanka Ciidamada Somaliland ay ka qabsadeen  ciidamada Puntland ee Tukaraq ay Somaliland leedahay.

Faysal Cali Waraabe Waxaa uu bogaadiyay Talaabada  Deegaankaas Ula Wareegeen, isagoona sheegay in Puntland ay dhibaato ku ahayd Shacabka Somaliland waxa uuna dusha kaga tuuray eeda ah hurinta colaadaha ka qarxay gobolka Sool Madaxweynyaasha Puntland iyo Somaliland.

Dhanka kale waxa uu sheegy in JFS ay wado qorsho lagu maja xaabinayo Somaliand waxa uuna sheegay in maamulkoodu ka war hayo arinkaa uu ku tilmamay mid xad gudub ku ah madax banaanida Somalilnd.

Shalay ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay dagaal kula wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka sool halkaa oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Puntland.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response