Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa oo isku day dil ka badbaaday

Wararka naga soo gaaraya nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel oo ka tirsan Degmada Heliwaa, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmadaas.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa wararku sheegayaan in lala eegtay gaari uu saarnaa Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Heliwaa Abshir Kaaraan.

Miinada ayaa qaraxday markii uu dhaafay Gaarigii uu watay Gudoomiye ku xigeenka, waxaana la sheegay in qaraxaasi uusan wax khasaare ah geysan.

Ciidamada dowladda oo goobta tagay ayaa  baaritaan ay sameeyeen baaritaan  kusoo qabtay tiro dhalinyaro ah oo ay ku tuhmayaan inay miinada qarxiyeen.

Nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa xilliyada qaar sidan oo kale waxaa uga dhaca qaraxyada miinada ah ee Shabaab ay sheegtaan mas’uuliyadooda.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response