Diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha oo laga dareemayo Dhuusomareeb

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah maamul goboleedka curdunka ah ee Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doono amaanka magaalada iyo dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna.

Guddigaan oo ka kooban dhowr xubnood ayaa laga doonayaa inay ka shaqeeyaan qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa oo la filayo inay gaaraan magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa in markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay uu gaaro caasimadda Galmudug ee Dhuusomareeb .

Heshiis dhexmaray Ahlu sunna iyo Galmudug ayaa fududeeyay in Sheikh Maxamed Shaakir laga dhigo madaxa xukuumadda Galmudug, islamarkaana labada dhinac ay isku soo dhawaadaan.

Madaxweyne Farmaajo oo safaro ku maraya gobolada dalka qaarkood ayaa la filayaa inuu tago magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response