Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Qarax xooggan oo ka dhex dhacay Guri ku yaalla Muqdisho

Wararka naga soo gaaray degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax.

Qaraxan oo laga maqlay xaafado ka tirsan degmadaas ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari, kaasi oo sida ay Ciidamada ammaanku sheegeen lagu diyaarinayay guriga uu ka dhex dhacay.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray guriga uu ka dhax dhacay qaraxa, waxaana ay halkaasi kala baxeen nin ku sugnaa guriga, oo looga shakisan yahay in qorshahan uu watay.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale la wareegay guriga qaraxu ka dhacay, ilaa laga soo saarayo baaritaanada ugu dambeeya, ee la xiriira qaraxan iyo cida ka dambeysay.

ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, oo dadka degaanka ku abuuray cabsi iyo dareen feejignaan ah.

25-kii October 2017 inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee degmada Kaaraan waxaa xilli habeen ah ka dhacay Qarax guri lagu diyaarinayay, Hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.