Daawo Sawirrada: Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhashay Miinada dhulka lagu aaso ayaa saaka ka dhacay agagaarka Ex-Contarol Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wariye tagay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu ahaa Miino dhulka lagu aasay , waxa uuna Wariyaha xusay in aysan jirin cid si gaar ah miinadaasi loogu bartilmaameedsanayay.

Inta la xaqiijiyay hal nin oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ku dhintay halka uu dhaawac soo gaaray qof kale oo haweeney ah oo hada lagu daweenayo isbitaal ku yaala Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay qaraxaasi iyagoo raadinaya Miinooyinka kale ee laga yaabo in lagu aasay Goobtaas.

 

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response