Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sacuudiga oo Taliyeyaasha Ciidamadda Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey, Isagoona…………

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa wareegto uu xalay soo saaray wuxuu xilalkii uga qaaday dhamaan Taliyeyaashii ciidamada ugu sareeyay ee dalka Sacuudiga.

Wareegtada xil ka qaadista oo xilli dambe Warbaahinta soo gaartay ayaa lagu sheegay in xilalkii laga qaaday Taliyeyaasha.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in sababta Boqor Salmaan uu xilalkii uga qaaday Taliyeyaasha ciidamada Sacuudiga inay tahay inay ku fashilmeen dagaalka ay kula jiraan Xuutiyiinta dalka Yemen ka dagaalanta.

Siyaasiyiin ayaa sheegaya inay jirto fudeed ku aadan xil ka qaadista dhamaan Taliyayaasha ciidamada dalka Sacuudiga oo hal mar xilalkii laga wada qaaday.

Xil ka qaadista Boqor Salmaan uu sameeyay, ayaa la sheegayaa inay kula taliyeen xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.