Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

EPL: Marcus Rashford oo Man United ka caawiyey inay guul ka gaarto Liverpool, soona degtay kaalinta labaad ee horyaalka.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa 2-1 kaga adkaatay Liverpool oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana ay soo degtay kaalinta labaad ee horyaalka.

Marcus Rashford ayaa labo gool oo deg deg ah ugu shubay Reds daqiiqadihii 14’aad iyo 24’aad, taasoo Man United u sahashay inay hoggaanka ku qabato 2-0 45-daqiiqo ee hore.

Kooxda Man United iyo Liverpool ayaa ku dagaalamayay kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka Premier League, laakiin ugu dambeyn waxaa dagaalka ku adkaatay kooxda Jose Mourinho.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay difaaca Man United ee Eric Bailly ayaa iska dhaliyey gool kuuma kaseyn ah kadib karoos uu soo dhigay Mane 65’daqiiqo, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1.

Reds ayaa ku cadowday qeybtii dambe in lagu abaal-marin waayey labo gool kulaad kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 ay ku adkaadeen wiilasha martida loo ahaa ee Man United.

Man United waxa ay nasiib ku lahayd qeybtii labaad inaan ugu yaraan labo rigoore lagu dhigin kaddib markii uu Young ku dhegay Salah oo ku jiray xirada ganaaxa, sidaas oo kale Valencia uu gacan ku taabtay kubbad karoos ahayd oo ay soo qaadeen xiddigaha Liverpool, isagoo ku jiray xerada ganaaxa.

Kooxda Manchester United ayaa sidaas shan dhibcood oo ka sare martay Liverpool, waxaana ay sidaas ku degtay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Leave A Reply

Your email address will not be published.