Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wasaarada Aminga Dalka oo amaro adag dul dhigtey ganacsatada, iyadoona…………

Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo warbaahinta kula Magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray Ganacsatadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in qaarkood ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ganacsatadda garoomada Muqdisho aysan xirikarin, islamarkaana cidii qaadata Amarka Al-Shabaab in laga qaadi doono tilabaabo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Liiska Ganacsatado Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in garoomadda Muqdisho oo dhawaan ay xireen Al-Shabaab in uu ku baaqayo in la furo, maadaama Al-Shabaab aysan ka talin Magaalada Muqdisho.

Digniintaan kasoo baxday Wasaaradda Amniga ayaa kusoo beegmaysa xilli Al-Shabaab ay xireen inta badan Garoomadda Salaxa ee lagu ciyaaro ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Leave A Reply

Your email address will not be published.