Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Kumanaan qaxootiga DR Congo oo ka cararaya rabshadaha socda.

Rabshadaha xoogan ee ka socda wadanka Congo waxey dhaxalsiiyeen dad badan oo dalkaasi u dhashay in ay naftooda ula baxsadaan Dalka Uganda oo daris la ah.

Kumanaan shabcab ah oo u badan dumar iyo caruur ayaa si isdabajoog ah u gaarayay xeryaha qaxootiga loogu tala galay ee Uganda ku yaala.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaan ka qeybgali doonin shirka deeq-bixiyeyaasha ee Geneva Jimcihii, iyada oo sheegtay in Qaramada Midoobay ay ka fajicisay tirada dadka u baahan gargaarka.

Rabshadaha sii kordhaya waxaaku barakacay in ka badan afar milyan oo qof oo ku nool Congo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ilaa bishii Diisambar , 70,000 ayaa usoo qaxay Uganda sidaan ka xiganay aljazeera.com.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.