Naciimo Abwaan Qorane Oo Maxkamad ay xukun sanado ah ku riday.

Maxkamada gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa xukun saddex sano ah ku ridey Abwaan Naciima Axmed Qorane oo in mudo ahba aan wax maxkamad ah la soo taagin.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa Naciima Qorane ka xiray Magaalada Hargeysa kadib markii ay kusoo eedeeyeen inay faafinayso mabda’a Soomaaliweyn.

Qareenada u doodayay Naciima Qorane ayaa sheegay in dacwadaha lagu soo oogay ay ahaayeen ceebeyn qaranimada Somaliland ah iyo sidoo kale firkado ay ku qortay baraha bulshada, qoraaladaasi ayaa lagu sheegay inay ku taageertay Soomaaliweyn.

Shan iyo konton maalmood (55) oo dacwadeedu ka socotay maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa maanta ayaa xukunkaasi lagu ridey.

Abwaan Niciima Qorane waxaa ay ku nooleyd sanadihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho kadib markii ay kasoo guurtay Somaliland.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response