Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wakiilada Lewandowksi Oo La Ogaaday Kooxda Ay La Jecelyihiin Inuu Ku Biiro Weeraryahanka- Liverpool, City, Chelsea Mise Real Madrid?

Xiddiga Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa u dhaqaaqi doona midkood kooxaha Premier League ee Chelsea iyo Liverpool.

Wargeyska Daily Star ayaa sheegaya in wakiilada mashiinka goolasha Bayern Munich ay dalab ka heystaan dhowr kooxood oo waaweyn.

Chelsea oo la sugayo macalinka qaban doona xilli ciyaareedka soo socda, waxay suuqa ugu jirtaa weeraryaha cusub, iyadoo aan la hubin mustaqbalka Alvaro Morata.

Real Madrid ayaa la aaminsan yahay inay ugu cadcadahay saxiixa 29 jirkaan weerarka ka ciyaara ee reer Poland.

Laakiin Manchester City iyo Liverpool ayaa isha ku heyn doona xaaladdaan, iyadoo tababarayaasha Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ay labadoodaba lasoo shaqeeyeen weeraryahanka.

Laakiin Lewandowski oo dhawaan wakiil ka dhigtay Pini Zahavi waxaa la rumeysan yahay inuu ku sii jeedo kooxda Chelsea.

Weeraryahanka qandaraaskiisa Bayern Munich waxaa ka harsan seddex sanno, laakiin wuxuu ku amri doonaa kooxdiisa la iibiyo haddii loo keeno dalab £ 70million ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.