Ciidamo Boob U Geystey Xeradii Tababarka Imaaraadka Muqdisho Ku Lahaayeen, Iyagoona………..

Qaar ka mid Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada ee Imaaraadka Carabta ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay Boobeen agab yaalay Xarunta oo ay maanta ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay qaateen Agab Ciidan qalab lagu tababarto iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Imaaraadka ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dhacyo uu dhaxmaray Ciidamadii xarunta ku sugnaa kuwaas oo ku dagaalamay agabkii ay qaateen.

Dhinaca kale Saraakiil ka mid ah Ciidamada Milatariga ee ku sugnaa xaruntaasi ayaa beeniyay in Ciidanka wax boobay ay ka mid ahaayeen Ciidamadii xarunta ku sugnaa.

Saraakiishaan ayaa sheegay in agabka la qaatay oo u badnaa Gaadiid Ciidan ay qaateen Saraakiil ka mid ah Milatariga Soomaaliya oo aan ka tirsaneen Ciidankii Imaaraadka Tababaray.

Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga ilaa hadda kama hadlin wararka sheegaya in la boobay agab ciidan oo yaalay Xarunta Tababarka Imaaraadka ee Muqdisho.

Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo agabyo kale kadib markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response