Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Gobalka Bakool (Tolow Yuu U Dhaxeeyey??)

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Ceelgaras ee Gobolka bakool ayaa waxa ay sheegayaan halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan ciidamada ay weerareen Saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa jira khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.