Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dowladda Imaaraadka ayaa shaacisay in ay joojisay Taageerada Ciidamada Soomaaliya.

Wakaaladda wararka Wam ee Dowladda Imaaraadka u fidisa wararka ayaa daabacday in UAE  ay joojisay tobabarradii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya kaasi oo soo bilowday sanadkii 2014-kii.

Arrinkan ayaa daba socda 8 bishan lacag dhan 9.6M oo ka timid Imaaraadka Carabta oo ay ciidamada amaanka garoonka diyaaradaha ee Aaden Cade ay ku qabtee.

Imaaraadka ayaa ku macneeyay in lacagta ay aheyd mid loogu talo galay in lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada ay tobabaraan Imaaraadka Carabta.

Imaaraadku waxaa uu sheegay in uu tobabaray 2407 oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya uuna bixiyo mushaaraadkooda, sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay fureen saddex xarumood oo tobabar iyo in ay Soomaaliya ay ka howlgaliyeen xarumo caafimaad oo lagu daaweeyo dadka Soomaaliyeed.

Imaaraadka waxaa uu caddeeyay in uu cambaareynayo dhacdadaan, uuna u arko mid ka hor imaaneyso dhaqamada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyo dowladaha, waxaa uu intaas ku daray in ay khilaafeyso heshiiskii is fahanka ahaa ee labada dowladood ay saxiixdeen.

Leave A Reply

Your email address will not be published.