James Comey “Trump malaha anshax madaxweyne dumarkana ula dhaqmo si wanaagsan”!

Agaasimihii hore ee FBI-da Mareykanka James Comey ayaa sheegay “in Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump uusan lahayn anshax madaxweyne sidoo kalena in uu dumarka ula dhaqmo “sidii hilibka.

Mr Comey ayaa hadalkan ka sheegay mar uu wareysi siinayay telefishin  tan iyo markii uu madaxweyne Trump shaqada ka ceyriyay  sannadkii ina dhaafay.

Comey  waxaa uu intaasi ku daray mar uu u waramayay Tv-ga ABC ee gudaha Mareykanka  in Trump uu si joogto ah been u sheego caddaaladda dalkaasina uu caqabad ku yahay.

Kama aysan soo wareegan saacado waraysigii Comeymarkii la baahiyay ka dib  madaxweyne Trump oo hadlay ayaa tibaaxay in Comey  uu been badan sheegay.

“Igama gadmayso in la dhoho maskaxiyan ayuu u liitaa Trump ama waxaa si sahlan u haya xannuunka asaasaqa” ayuu Comey u sheegay barnaamijka 20/20 ee telefishinka ABC.

“Ilama aha in uu qabo xannuun dhanka jirka ah oo madaxweynenimada ka hor istaagi, balse ma laha anshax madaxweyne”.

“Waxaa waajib ah in madaxweyneheenu uu astaaan u noqdo ixtiraaamka uuna raaco qiyamka aasaaska u ah dalka. Arrintaasna waxaa ugu muhiimsan runta. Madaxweynahanna arrintaas ma awoodo.” Ayuu Comey hadalka ku sii daray.

Waraysigaas ka dibna Xisbiga Jamhuuriga ayaa soo saaray war qoraaal ah oo ay ku sheegeen “in waxa kali ah ee ka daran taaariikhda dhaqan xumo ee Comey ay tahay sida uu u doonayo in uu waxkaste ugu sameeyo suuqgaynta buugaagtiisa”.

 

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response