Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Macalin Jaamacadeed Oo Muqdisho Lagu Diley, Isagoona…………

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Oodweynee degmada Deyniile ayaa waxa ay sheegayaan in xalay fiidkii halkaasi lagu dilay Macalin wax ka dhiga mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa Macalinka ka toogtay qeybta sare ee jirkiisa, kadib markii ay dhawr xabadood ku dhufteen, waxayna halkaasi ka dhaqaaqeen markii ay hubsadeen in ay toogteen Macalinka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay Macalinka inta aan la toogan kahor inuu ka soo baxay geerish ku yaallay agagaarka xaafadiisa oo uu ku soo xareystay gaarigiisa, kana mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya.

Qaar ka tirsan Macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya ayaa inoo sheegay macalinka la dilay in lagu magacaabi jiray Ismaaciil Caddow, uuna ka mid ahaa Macalimiinta dhigta Shareecada.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay baaritaano amni xaqiijin ah ka wada halka lagu dilay Macalinkan, waxayna ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay dilkaasi.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Macalinkan ka tirsanaa Jaamacadda Soomaaliya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.