Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xulka Kubada Cagta Qaranka Soomaaliya oo ka guuleestay xulka Itoobiya

Ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Guul taariikhi ah ka gaaray Xulka Qaranka Itoobiya kadib Ciyaar xiiso badan oo ka dhacday dalkaasi.

Ciyaarta oo u dhaxeysay dhalinyarada da’doodu tahay 17 Jirada ayaa markii hore ku soo dhamaatay 3-1 waxaana ku badiyay Xulka Itoobiya.

Baaritaan la sameeyay kadib ayaa la ogaaday in Itoobiya ay u ciyaareen dhalinyaro ka weyn 17 sano oo hore uga qeyb galay Ciyaaraha 20 Jirada iyo 23 jirada waxaana kadib la go’aamiyay in Soomaaliya loo wareejiyo dhibcihii Itoobiya.

Sidoo kale Xulka Itoobiya ayaa la dul dhigay Ganaax lacageed, Xulka qaranka Soomaaliya ayaa si nadiif ah halkaas uga helay 3 dhibcood waana Guul weyn oo ay Gaareen dhalinyarada Soomaaliya.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.