Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo saaray jadwalka doorashada iyo shuruudo (Akhriso)

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Waqtiga doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa la qaban doonaa 30-ka bishan April oo ku beegan Isniin.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa la faray 23 illaa 24 ay isku soo diiwaan geliyaan, isla markaana lacagta is diiwaan gelinta ku shubaan Bankiga Dhexe.

Waxaa la faray Musharaxa u tartamaya Guddoomiyaha Golaha shacabka ee ka midka ah Golaha Wasiirada inuu keeno caddeyn ku aadan warqada is-casilaada, marka uu is diiwaan gelinayo.

Halkan hoose ka akhriso Jadwalka Doorashada

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response