Turkey-ga oo Dowlada Soomaaliya hal meel aad uga amaaney (Tolow Waa Dhinacee??)

Dowladda Turkiga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay hannaanka loo Daryeello Maxabiista  Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar kaddib markii Danjiraha dowladdaas u fadhiya  Soomaaliya uu booqday Xabsiga.

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed oo uu wehliyey Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan.

Meelaha sida gaar ah  loo soo indha-indheeyey waxaa ka mid Warshadaha soo saarta Qalabka Xafiisyada, Dharka iyo IWM.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahadceliyey Danjiraha dowladda Turkiga, sida ay mar walba kaalin mug leh uga qaataan taageerada Soomaaliya ee dhinac walba.

Safiirka Tukriga u fadhiya Soomaaliya Olgen Beker ayaa ammaanay sida hufnaanta leh ee loo dhiirogeliyo Maxaabiista, loona dhiso maskaxdooda, waxa uu sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed, arrimaha Xabsiyada iyo Caddaaladdana ay ka taageerayaan.

Facebook Comments

Comments

comments

About the Author

Leave A Response