Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xassan Shiikh oo Kulan Beenabuur ah oo beesha Mudulood ugu qabanayo Magaalada Muqadishu. Yaa ka danbeeyo?

(Muqdisho. Caasimada Online) 

Waxaa maal-mahii la soo dhafaay uu Madaxweyne Xassan Shiikh ku mashquulsanaa  sidii looga hortagi lahaa shirar ay soo qaban-qaabiyeen odayaasha dhaqanka iyo wax garadka ku dhaqan Magaalada Muqadishu. Kulankaas oo looga hadli lahaa waxqabad la’aanta doowlada, gaar ahaan dareenkooda ku wajahan Madaxweyne Xassan Shiikh.  Kulankaas ayaa waxaa ka horyimid hay’adaha amniga  iyo maamulka gobolka banaadir una diiday in uu kulankjaas qabsoomo.

Si hadaba loo abuuro kulan kaa bar-bar socda, lagana been abuurayo dadka ku dhaqan gobolka banaadir ayaa waxa xafiiska madaxweynuhu abuuray gudi lagu tilmaamay in ay ka kooban yihiin Bessha Madulood kaas oo  soo qaban qaabin doono kulan been abuur ah oo lagu qabto magaalada Muqadishu, maalinta Khamiist,  laguna taageerayo Xassan Shiikh, iyada oo la muujinayo in beelaha Muqadishu doonayaan in Xassan Shiikh dib u soo noqodo.

Gudigaan oo tiradiishu ka badan tahay  15 qofood ayaa waxaa ka mid  ah;

  • Cabdulaahi Maxamed Nuur, Wasiiro-dowlaha Maaliyada ee dowlada Federderalka
  • Muxiyadiin Saabeey, Madaxa Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda
  • Abdiraxman Tuuryare , Madaxii hore ee Hay’adda NISA
  • Sadaq Sh Abdikarin, Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda, isla markaana qabo gabar uu adeer u yahay Madaxweynaha
  • Abdullahi Xirsi Kulmiye, Madaxa Universal TV ee Geeska Africa
  • Maxamed Cajiib, Milkiilaha iyo Madaxa Idaacada Dalsan Radio
  • Cali Shiikh Maxamuud, oo ay walaalo yihiin Madaxweyne Xassan Shiikh
  • Dhagax tuur, Agasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka Cirka iyo dhulka
  • Maxamed Xassan Doob, gudimiyaha gudiga doorashada Xassan Shiikh
  • AV Omar Dhageey, madaxa gudiga doorashooyinka ee dhawaan lagu dhawaaqay
  • Shamso Cali
  • Yaasin Cabdulle, oo ah shirko ku ah shirkadda cashuurta ka qaado gawaarida ka shaqeesyo magaalada Moqadishu
  • Cabdirahman Osman Yarisow, la taliyaha Wasiirka Warfaafinta ee DF , mushaarkiinsa ay bixiso dowladda UK, DFID laguna caawiyo dowlada Soomaaliya
  • Shiikh Yuusuf Xuseen, Gudooyaha Gobolka Banaadir

 

Gudigaan oo dhowr mar kulmay, ayaa kii ugu danbeeyay waxaa lagu qabtay hoyga shirkada SMART (shirkada canshuuraha ka aruurusa xamar) ay ku yaalo K4., dhawaan lagu wareejiyay Xassan Shiikh.   Kulankan oo uu shir gudoominayay, Wasiir Cabdullahi M Nuur waxaa la isku waafaqay in la sameeyo kulan balaaran  oo la isugu yeerayo beelaha  Mudulood oo lagu muujinayo tageero Xassan Shiikh. Kulankaan waxaa lagu martiqadayaa Odoyaasha beesha Mudulood sida dad ay ka mid yihiin Cali Mahdi.

Atintaan waxa ay salka ku haysaa in laga been abuuro lana burburyo shirkii laga baajiyay in lagu qabto hotel Maka-Al Makurama. Waxaa kaloo ujeedadu tahay in la abuuro caaadifad qabiil oo la isaga hor-keenayo dadka ku dhaqan magaalada Muqadishu.

Mar aan la xirirnay Mudane Cali Mahdi ayuu inoo sheegay in uusan kulan noosaas ah ka qayb gali doonin.  Muse Cadow oo ka mid ah odayaasha nala soo xiriiray ayaa inoo sheegay in gudigan been abuurka ah ay isku bahaysteen  dada lagu yaqaan in hantida qaranka  ay lunsadeen. Waxaa yaab ah buu yihi, Muse, in Xassan Shiikh uu naf ka raadiyo kuwa dhacay hantidii qaranka.  Waxaa kaloo dadka la yaaban yihiin in gudoomihii gobolka horsed ka noqdo hurinta colaado beeleed.

Sidoo waxa ay dad badan iswaydinayaa waxa ku kalifay Radio Dalsan iyo Universal TV in ay qayb ka noqdaan  kulan lagula dagaalamayo shacabka Muqdishu.  Waxay tani muujinaysaa in qorshuhu Madaxweyni xassan shiik ahaa in la-kala jabiyo warbaahinta lana abuuro warbaahin u shaqeeysa isaga iyo doorashadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com


Source: Caasimadda

Leave A Reply

Your email address will not be published.