Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Faaqidaada Kulanka Man United vs Swansea City – Pogba & Sanchez Miyay Kusoo Bilaaban Karaan?

Manchester United ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Swansea kulan katirsan Premier League, iyagoo og in 12 dhibcood ay ka sareeyaan kooxda kaalinta shanaad ee Chelsea.

Swansea ayaan laga badinin labadii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, laakiin bandhigooda hoose ayaa keenay in kulankii FA Cup-ka ay la ciyaareen Tottenham Hotspur lasoo reebo wiilasho uu hogaamiyo tababare Carlos Carvalhal.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Old Trafford

SAACADA: 5:00 PM

MAXAA CUSUB?

Mourinho ayaa isbedel ku sameyn doona kooxdii ku soo bilaabatay kulankii FA Cup y la ciyaareen Brighton, iyadoo Sanchez la filayo inuu dib ugu soo laabto line-upka.

Pogba ayaa sidoo kale la siin karaa fursad kale oo uu ku ciyaaro ka dib markii uu bandhig ka sameeyay kulankii France garaaceen Russia Isbuucii hore, halka David de Gea uu bedeli doono Sergio Romero.

Si kastaba, Ashley Young ayaa laga yaabaa inuu seego kulankaan, kadib markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah intii la isku diyaarinayay kulankii saxiibtinimo ee England la ciyaareen Italy.

Scott McTominay ayaa sidoo kale seegi doona ciyartan ka dib markii uu kasoo laabtay xulka Scotland kaliya bilowga isbuuca.

Kooxda martida ah waxaa ka maqan Jordan Ayew oo gudan doonaa kulankii labaad ganaax saddex kulan ah.

Goolhaye Lukasz Fabianski ayaa booskiisa waxaa buuxin doona Kristoffer Nordfeldt, halka daafaca dambeedka dhexe Federico Fernandez uu kula soo bilaaban doono qeybta daafaca dhaxe Kyle Bartley.

Leicester City ayaa sidoo kale heli karta Tom Carroll oo dhaawac ku maqnaa kulamadii lasoo dhaafay.

XAQIIQADA KULANKA

Kulanka maanta ayaa ka dhigan kii 32-aad tartan rasmi ah oo labada kooxood ku kulmaan, United ayaa 15 kulan badisay, halka 10 ay badisay Swansea.

Tan iyo bilowgii sanadkii 2014, Swansan ayaa rikoor fiican ka heysta United, iyagoo afar guul iyo barbaro ka helay 10 kulan oo ay la ciyaareen.

Si kastaba ha ahaatee, United lagama badin shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajaheen Swansea, mana laga dhalin wax gool ah laba kulan oo ay wajaheen xilli ciyaareedkan.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Manchester United:De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Shaw; Matic, Pogba; Mata, Sanchez, Martial; Lukaku

Swansea City:Fabianski; Naughton, Van der Hoorn, Fernandez, Mawson, Olsson; Ki, King, Clucas; Ayew; Abraham

Leave A Reply

Your email address will not be published.